Somaliland: Xildhibaan Meel hawl u baahan hadal muxuu ka tari?Warbixin

Xildhibaan Warfaa oo Difaacay Maamulka Hawadda Somaliland oo Qarka u saaran in lala wareego, kaddib markii xukuumaddu dhaafsiisatay Lacag lagu waasiinayo qaybsiga Maamulka Cirka…Warbixin: Weriye Saleebaan-Kalshaale

Hargeysa(Aftahannewws):- Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa sheegay in aanay jirin cid Somaliland kaga adkaatay maamulka Hawadda, kaddib markii walaac ay Xukuumaddu ka muujisay qorshe ay doonayso inay kula wareegto dawladda Federaalka Soomaaliya.
Heshiis somaliland ka dhan ah
???????????????????????????????Bishii June la soo dhaafay dabayaaqadeedii, ayaa Hay’adda ICOA iyo Dawladda Soomaaliya ku heshiiyeen in Maamulka Hawadda si rasmi ah loogu wareejiyo dawladda dhexe, xili uu wali qabyo yahay heshiis saddex geesood ah oo ay somaliland qayb ka tahay oo la doonayay in maamulka hawadda la wadaajiyo Muqdisho iyo Hargeysa.
Hase ahaatee dhawaaqa dambe ee somaliland kaga walaacday heshiiska ICAO iyo DF, ayaa u muuqday in cirka loo calaamadiyay, isla markaana laga badheedhay in Muqdisho laga maamullo hawlaha cirka.
Xildhibaan WadkaWADKA
Xildhibaan Wadka oo Waraysi siiyay Wargeyska Dawladda ee Dawan, ayaa sheegay inaanay jirin cid la wareegtay Hawada Somaliland.
 “Maalmahan waxa warbaahinta lagu soo qorayay warar la xidhiidha in Somaliland lagaga adkaaday maamulkii hawadda oo Qarrammadda Midoobay u gacan gelisay Soomaaliya, runtii marka si dhab ah loo hadlo ma jirto wax la innaga adkaaday oo la siyaasadeeyaa, hawaddeena inaggaa maamulna cid innagu faro-gelin kartaanna ma jirto. Diyaaradaha hawadeenna maraya innaga ayaa xukunna, cidii awaamiirteenna ku shaqaynaysa uun baa hawadeenna mari karta,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa.
“Waxaan Mucaaridka u soo jeedinayaa inaanay eedoodu noqon qaar laf-jab ku ah oo ay qaranimadeenna ku dacaayadeynayaan ee waa inay dhaliishoodu noqotaa mid wax toosin ah oo qaranka dhisaysa. Markaa haddii aynu wax dhaliilayno oo aynu hal masuul wax ka sheegayno waa inaynaan qaranka ku doc-wareemin oo aynaan ku wiirsan, arrinta hawaddu waa mid qaran oo hawsheeda ay u xil saaran tahay xukuumadda iyo wasaaradda duulista hawaddu,”ayuu yidhi Xildhibaan
Warfaa.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa waxa uu sheegay in maamulka hawaddu uu ka mid ahaa qoddobadii shirkii Istanbuul ee Turkigu dhexdhexaadinayay, waxaanu yidhi “Illaa imika Ma Jirto cid Qarramadda Midoobay ay sheegtay inay u gacan gelisay maamulkii hawadeenna, waxaanu qodobka hawaddu ka mid ahaa heshiiskii Istanbuul ee wada hadaladdii Somaliland iyo Soomaaliya”ayuu yidhi.
Hadal Walaac Xambaarsan
Hadalka Mudanahan ayaa ku soo beegmaya xili mugdi badani ku jiro hanaan somaliland qaybteeda ku helayso Maamulka Cirka.laba  nin
“Hadii Qaramada Midoobay Maamulka Hawada ku wareejiso Walaalahayaga Somalia, waxaanu qaadaynaa Talaabooyin.” Sidaas waxa ku hanjabay Wasiirka Duulista Maxamud Xaashi Cabdi.
Wasiir Xaashi ayaa intaas ku daray “Hawada Soomaaliya waxa isticmaala 150 Diyaaraddood, markaa maaha in muran la geliyo arrimaha hawada” ayuu yidhi.
Dood ma dhalays
Si kastaba ha ahaatee Doodda ku saabsan maamulka Hawada ayaa soo taxnaa tan iyo sanadkii la soo dhaafay, walina wax xal ah lagama gaadhin.
Maamul xumo iyo Gaabis
Xukuumadda Somaliland ayaa ka gaabisay inay ka hor tagto talaabo kasta oo laysku dayayo in lagu wiiqo heshiiskii hore u dhacay , kaasoo hadii laysku fahmi waayo ay xaq u leedahay inay ka noqoto inta aanay ICOA talaabo qaado.
Dhawaaqa todobaadkan ka soo baxay waxa ka haboonaa inay hore u beyaamiso inaanay ku jirin ama cawaaqib ka iman doono hadii muran dambe la geliyo arrimaha Maamulka Hawadda.
Balse doodda ka soo baxday garnaqsigii Nairobi kaddib, waxa uu u muuqdaa arrin  ah aan Ooyee Albaabka ii xidha.
Muran kama joogo inay Hay’adda ICOA wali gacanta ku hayso maamulka Hawada Gobolka oo dhan.
Laakiinse waxa jeexan dariiq qorsheysan oo la doonayo in dawladda la aqoonsanyahay ee Soomaaliya lagu wareejiyo hawshii ay Hay’addaasi gacanta ku haysay 23 sanaddood.
Dadka la socda arrintan ayaa qaarkood aaminsanyihiin inay Qaramada midoobay oo ay ICAO Wakiil u tahay iyo  habacsanaanta Xukuumadda Siilaanyo somaliland qayrkeed ka reebayaan, marka laga hadlayo arrintan Maamulka Hawadda.
marka ay sidaas arrimuhu yihiin Xildhibaankan Difaacaya Maamulka Hawada, waxa haboon in isaga iyo Golaha uu ka tirsanyahay la xisaabtan cad ku sameeyaan Xukuumadda, siiba Wasaaraddaha dayacay arrintan, waxna ka waydiiyaan talaabooyinka u qorsheysan iyo sababta ay uga hortegi waayeen heshiiska Dawlada Soomaaliya iyo Qaramada midoobay wada gadheen bishii hore.
Hawl lagu dhicinayo Dhaqaalaha iyo awoodda maamul ee Somaliland kaga lumaysa talaabada la wareegista hawadda, ayaa u taala dhamaan Goleyaasha Qaranka, balse uma yaallo hadal iyo yooyootan ay Mucaaridka ugu hal celiyaan Baadi aanay wali gacanta ku soo dhigin.
Somaliland Hawada way iibisay.Xog
Waxaana xusid mudan in la ogaado inay jiraan xogo sheegaya inay hore heshiis ugu ahaayeen Wasiirka Duulista Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya in Maamulka Hawadda lagu wareejiyo Soomaaliya, isla markaana lacag la siiyo Xukuumadda Siilaanyo oo uu wakiil uga yahay hawsha Wasiir Maxamuud Xaashi.
Lacagtaasoo ay Xukuumaddu dhaafsanayso inay qaybteeda la soo wareegto hawshan, islamarkaana dadka ugu sheegayso in la siiyay qaybtii ay ku lahaayeen dhaqaalihii ka soo baxay Hawada Soomaaliya oo dhan intii UN-ku gacanta ku hayay.

Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Freelance Journalist

Email: curad1986@hotmail.com