Xulkii ugu dambeeyey Quruumaha Madoow oo Diyaaradda laga saaray Koobka Adduunka

Aftahan – Sports:- Xulka Qaranka France ayaa u gudbay wareega 8da ee Koobka Adduunka kadib markii ay si dirqi ah 2-0 kaga badiyeen xulka matalayey qaarada Africa ee Nigeria ciyaar adag oo ku dhex martay garoonka Garrincha Stadium.

France v Nigeria: Round of 16 - 2014 FIFA World Cup Brazil

Qaybtii hore ee ciyaarta ayeey labada xul soo bandhigeen ciyaar aan la jecleysan oo salka ku haysay qaab difaac balse xulka Nigeria ayaa fursado ay heleen ka faa’ideysan waayay, waxaana qaybtii hore lagu kala baxay 0-0.

weeraryahanka reer France iyo kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa fursad qaali ah oo uu ku laaday shabaqa Nigeria waxaa kasoo saaray Victor Moses ciyaarta ayaa u muuqatay mid u gudbi doonta waqtiga dheeriga ah.

ugu danbeyn xidiga khadka dhexe kooxda Juventus iyo xulka qaranka France Paul Pogba ayaa dhaliyey goolkii ugu horeeyay ciyaarta isagoo kubad Korner ahayd madaxeeyay ka hor intaanu goolka labaad iska dhalin difaaca Nigeria ee Yobo.

France ayaa wareega 8-da Germany ama Algeria midkood la ciyaari doonta waxaana la odhan karaa France sanadkan rajo fiican ayay ku leedahay Inay ku guuleystato koobkan.

Xigasho Cadalool.com.