“Waxaan dhisayaa oo taageersanahay oo aan siyaasaddiisa ku shaqaynayaa Madaxweynaha…” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inaanay Golaha Wasiirrada Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Madaxweyne Siilaanyo ku jirin xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo Ururro xag-jir ah toona.
Wasiirka Madaxtooyada oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey eedayn uu Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo dhawaan sheegay inay Golaha Wasiirrada ku jiraan Koox ka tirsan Urur-diimeedyo uu xag-jir ku tilmaamay iyo Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa isagoo su’aashaa ka jawaabayey mar uu galabta Warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ka soo degeen, waxa uu ku dooday inaanay jirin cid Al-Shabaab ah oo ka tirsan Xukuumadda, isla markaana cidda eedayntaas sheegtay looga fadhiyo inay caddayso.
Waxa kale oo ay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ay Warbaahinta uga warrameen guulaha Safarkooda oo ay ku mareen waddanka Maraykanka iyo Canada oo ay kaga qayb-galeen dabbaal-degyadii 18-ka May. waxay Sheegeen in si fiican loo soo dhaweeyey, isla markaana dadka reer Somaliland ee Maraykanka iyo Canada ay Dhaqaale fiican ugu taborruceen dhismaha waddada Ceerigaabo.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.