Abiy Ahmed oo Salliga Nebi Muxamed Kor u Qaaday, Kana Sheekeeyey Taariikh Diini ah

Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxda Sucuudiga 2023 Riyad
Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxda Sucuudiga 2023 Riyad

Riyad (aftahannews):- Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay in Itoobiya iyo Carabtu xidhiidh lahaayeen boqol sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise Caleehi Salaam, sidoo kalena Itoobiya soo dhawaysay Asxaabtii Nebi Muxamed Calayhi Salaatu Wasalaam, isaga oo kor u qaaday Salliga Nebiga NNKH.

“Waxa aan jeclaan lahaa in aan idin xasuusiyo, in xidhiidhka taariikhiga ah ee Afrika iyo bariga dhexe uu soo taxnaa tan iyo markii aynu magangelyada siinay ee aynu soo dhoweynay asxaabtii Nebi Muxamed Calayhi Salaatu Wa Salaam. Itoobiya ayaa soo dhoweysay oo managelisay asxaabtii nebiga ee kasoo haajirtay caddaalad-darradii iyo dhibaatadii lagu hayay nebiga iyo asxaabtiisa.” Sidaa ayuu yidhi Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayay shirka iskaashiga Sucuudiga iyo waddamada Afrika oo Jimcihii ka furmay magaalada Riyad.

Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed waxa uu sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Sucuudiga iyo waddankiisa Itoobiya uu xataa ka horreeyey waqtigii ay Asxaabtu u soo hijrootay Itoobiya, waxaanu ku dooday in taariikhda iyo raadadka qaddiimiga ah ee la hayaa ay muujinayaan in Sucuudiga iyo Itoobiya ay xidhiidh lahaayeen 100 sannadood ka hor dhalashadii Nebi Ciise Calayhi Salaam.

Abiy Ahmed oo ka hadlaya arrimahan ayaa yidhi; “Isu-dhowaanshaha juqoraafiyadeed ee Qaaradda Afrika iyo Jasiiradda Carabta, ayaa sidoo kale innoo suurtogelisey in xidhiidhkeennu uu noqdo mid midho-dhal ah.

Raysal-wasaaraha Itoobiya oo sii wata hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Waxaa jira caddaymo ay Itoobiya rumaysan tahay oo muujinaya in xidhiidhka Itoobiya iyo Carabtu uu ahaa mid soo jiray 100 sannadood ka hor dhalashadii Nebi Ciise CS. Raadadka aasaarta qaddiimiga ah iyo caddaymaha la hayaa, waxay inna-tusayaal saamaynta uu Sucuudigu ku lahaa degsiimooyinka rasmiga ah ee woqooyiga Itoobiya.”

‘Xidhiidhkayagu waa mid qoto-dheer oo ku dhisan iskaashi iyo saaxiibtinimo. Tobannaankii sannadood ee u dambeeyey, Boroqtooyada Sucuudiga waxa ka go’nayd sidii qaaradda Afrika si dhab ah looga horumarin lahaa kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maaliyadeed, waxaanay ku bixiyeen dedaallo bulsho iyo dhaqaale.” sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, Abiy Ahmed waxa uu hadalkiisa ku dul-istaagay waxyaabaha ay iska kaashan karaan Itoobiya iyo waddamada Carabta, gaar ahaan Sucuudiga, waxaanu soo qaaday Beeraha, Cagaarinta deegaanka, Xoolaha nool, Digaagga iyo waxyaabo kale oo ay Sucuudiga iyo dalkiisu ka wada shaqayn karaan, waxaanu uu u soo jeediyey Sucuudiga inuu Afrika ka taageero waxoosaarka Beeraha iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha.

“Beeruhu waxay ka mid yihiin shanta tiir ee dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya. Waxaannu qorshe u qaadannay in aannu dhul ka badan 6 milyan oo hiktar beerno sannadkiiba laba-jeer.” Ayuu yidhi Abiy Ahmed oo jeediyey qudbad socotay siddeed daqiiqo, waxaanu xusay in dalkiisu uu dhawrkii sannadood ee u dambeeyey beeray 32.5 bilyan oo geed si dhulkoodu u noqdo mid cagaaran, taasna ay iska kaashan karayaan Sucuudiga, maaddaama uu yahay waddan saxare ah.

Haddaba, Muuqaalka Warkan oo dhammaystiran, waxaan idiinku soogudbinaynaa Halkan hoose, si aad u daawato hayleyt-garee Linkigan casaanka ah ee hoose, ka dibna open Facebook markuu kuu soo saaro ku dhufo oo daawo.

https://fb.watch/ofnXLc5OiE/?mibextid=Nif5oz