Madaxweynaha Somaliland oo Farriin u Diray Puntland, Kana Hadlay Xuduudka Dalka

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Somaliland ku soo duuleen cadaw badan oo uu tilmaamay inay u midoobeen burburinteeda. Waxaanu ku hanjabay inaanay waxba iska beddeli doonin xuduudkeeda.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in maamulka Puntland oo doonayo inuu hab qabiil ku waxyeelleeyo Somaliland ay is hurran yihiin.

Waxa uu Madaxweynaha oo ka hadlay maanta Shirka  Madasha Dhaqaalaha Somaliland oo Hargeysa lagu qabtay sheegay in loo baahan yahay in reer Somaliland u midoobaan difaaca qarankooda.

“Cadow badan oo kala ujeeddooyin ah oo ku midaysan burburinta Somaliland, ayaa dalka isu soo bahaystay, dalkana waxa la geliyey xaalad dagaal, sidaa darteed Maanta mudnaantu waxay noqonaysaa in loo midoobo difaaca dalka, qaranka Somaliland-na waa kii ay xuduudihiisa ka tageen ee ay sameeyeen isticmaarkii Afrika oo dhan joogay oo aynu kala simannahay dhammaan 54-ta dawladood ee reer Afrika, waayo xuduuddeena waxa si cad u qeexaya Axdiga midowga Afrika.”sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey Xuduudka Somaliland, waxa uu yidhi; “Somaliland waa qaran dhammaystirin oo xuduudihiisu sugan yihiin oo khilaafeedkeeda hab ay ku xallisa waayo arag u ah oo sharciga ku dhaqanta oo u koraysa inay dawlad adag, la maalgashan karo, hufan oo la icitaafi karo oo lala degi karo ah ayeynu waddadeeda soddon sanno soo haynay.” 

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland mar uu ka hadlayey maamulka Puntland waxa uu yidhi; “Maamulka Puntland oo aad ugu fadallo dheer inuu Somaliland hab beelaysan dhul kaga qaato waxan leeyahay waynu is hurranahay inay Somaliland dhul ka qaadi karto iyo in kale, waxa lamid ah xildhibaanno Kenya ah oo wax la qaybsada siddeetan quruumood oo kala Diin iyo kala Af ah, haddana dab ka dhex shidaya Somaliland.”