Tirada Ciidan Ku Dhintay Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Jaalle Siyaad

Muqdisho (aftahannews):- illaa 10 Askari, ayaa lagusoo waramayaa inay ku geeriyoodeen, tiro ka badanna ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha kulliyadda ciidammada ee Jaalle Siyaad oo ku taal degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa oo katirsan kooxda Alshabaab ayaa isku dhex qarxiyay safaf dhaadheer ay ku jireen ciidamo ka tirsanaa guutada taliska 14-ka October oo la sheegay inay tirakoob halkaas ku marayeen.

Lama oga sababta ka dambeysa in qof ismiidaamiye ah uu ku guulaysto inuu gudaha u galo xarunta ciidanka, islamarkaana uu isku dhex qarxiyo safka ciidamada ay ku jiraan.

Ururka Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa sheegay inay ku dileen 73 askari kuwaas oo qeyb ka ahaa hal Urur oo lagu feylinayay gudaha kuliyadda Jaalle Siyaad.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan weerarka ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad.

Waa mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada ay la kulmaan.

Xigasho Hiiraan.com.

Alshabaab ayaa marar hore sidaan oo kale weeraro ismiidaamin uga geysatay xarumaha ciidamada.