Xukuumadda Somaliland oo Baaq u Dirtay Beesha Caalamka, Mucaaradka iyo Shacabka

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Baaq ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka u dirtay Beesha Caalamka, Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Dadweynaha.

Xukuumaddu waxay sheegtay inay Beesha Caalamka u xaqiijisay in nabadgelyada iyo xasilloonida dalkeedu yihiin mid ay shacabku samaysteen oo lama taabtaan ah, isla makaana uu Dastuurka dalku ilaaliyey xuquuqaha ay muwaadiniinta.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland maanta, waxa kale oo lagu sheegay in Xukuumadda talada haysa lagu soo doortay nidaam dimuqraaddi ah oo ku yimi doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxa warkan lagu sheegay in Xukuumaddu mowqifkeeda doorashooyinka ku caddeysay, kuna muddeysay shirkii u dambeeyey ee Golaha Wasiirrada oo lagu sheegay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ilaalinayso dhammaan wakhtiyada doorashada ee ay u asteeyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

“Xukuumadu waxay u soo jeedinaysaa xisbiyada mucaaridka ah inay raacaan sharciga, dastuurka iyo nidaamka doorashada oo ay ka waantoobaan wax kasta oo keeni kara qalalaase siyaasadeed ama rabshado. Tani waxay khatar gelinaysaa dadaalka dheer ee Somaliland ugu jirto hirgelinta nidaam dimuqraadda iyo dhismaha dowladnimada.” sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ugu dambayn baaq u dirtay shacabka Somaliland; “Ugu dambayntii, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u soo jeedinaysaa dhammaan muwaadiniinteeda sharciga u hoggaansan in ay la shaqeeyaan hay’adaha sharciga si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo ammaanka aan bilaashka ku iman ee qarankani leeyahay,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Masuuliyiinta Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa 13kii bishan November oo ay ku buuxday shantii sano ee xilka loo doortay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,  waxay sheegeen sidii ay hore u ballanqaadeen inaanay Madaxweyne sharci ah u aqoonsanayn mar haddii muddoxileedkiisii la doortay dhammaaday, doorashana aanu qaban.

Madaxweyne Biixi, ayey bishii hore muddo-kordhin laba sano ah u sameeyeen Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland oo awood sharci u leh wixii muddo-kordhin ah. Balse Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa sheegay inay sharci-darro tahay muddo-kordhinto, isla markaana aanay sharci u tixgelin doonin.

Aftahannews.com aftahanmursal@gmail.com.