Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyey Raysal-wasaaraha Cusub

Muqdisho (aftahannews):- Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Sabtida maanta cod aqbliyad ah ku ansaxiyey Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ka dib markii uu maanta hortagay oo uu ka jeediyay barnaamijkiisa siyaasadeed ee Xukuumadda soo socota.

220 Xildhibaan oo ku sugnaa fadhiga barlamaanka, ayaa dhamaantood u codeeyay Ra’iisul Wasaaraha, mana jirin wax diiday ama ka aamusay xasaanad siintiisa.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, si uu u guto waajibaadkiisa.

Raysal wasaare Xamse ayaa haatan isku diyaarinaya sidii uu xilka ugala wareegi lahaa raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo muddo ka badan bil ahaa sii haya xilkaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo qorshuhu ahaa inuu raysal wasaaraha horgeeyo barlamaanka ayaa ka baaqday sababa la xiriira kadib markii shalay laga helay xanuunka Covid19