Sacuudiga oo haweenka u ogolaaday inay xajka dalban karaan muxram la’aan

Riyadh (Aftahannews)- Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabia, ayaa ku dhawaaqay in haweenku ay hadda wixii ka dambeeya ay si toosa u dalban karaan ama isu diiwaan gelin karaan xajka, iyada oo aanu la soconin qof muxram u ahi.

Waxaana hadalkan lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Tallaabadan, ayaa qeyb ka ah isbedello uu Sacuudigu ku sameynayay xeerarkiisa dhinaca xuquuqda dumarka.

Sida in dumarku ay baasaboor qaadan karaan oo ay kaligood safri karaan, inay gawaadhida kaxayn karaan iyo in loo ogolaado inay haweenku qaban karaan illaa heer jagooyin xafiisyada dowladda ah.