Midowga Yurub oo War ka soo saaray Wadahadal ay la yeesheen Xasan Sheekh

Muqdisho (Aftahannews)- Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa khadka taleefonka kula soo hadlay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Midowga Yurub.

Borrel oo madaxweyne Xasan ugu hambalyeeyey guushiisa iyo soo geba-gebeynta doorashadii Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay inay Soomaaliya la billowdo waa cusub oo wada-shaqeyn ah.

Labada mas’uul, ayaa sidoo kale is-weydaarsaday xog ku saabsan qorshaha madaxweynaha iyo muhiimadihiisa koowaad ee arrimaha uu wax ka qabanayo.

Borrel, ayaa ku celiyey ballan-qaadka Midowga Yurub ee ah inay taageerto Soomaaliya, kana saaciddo isbeddelo wanaagsan oo lagu sameeyo arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub, ayaa sidoo kale sheegay inay taageerayaan hanaanka ay Soomaaliya ula wareegeyso amnigeeda iyo wax ka qabashada xasaradaha bani’aadaminimo ee Soomaaliya ka jira. 

Arrimaha kale ee ay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Borrell, ayaa waxaa ka mid ah kaalinta dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, iyo baahida loo qabo in dib loo billaabo wada-hadalladii farsamo ee ku aadan amniga Soomaaliya.

Dhanka xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaan weli wax war ah ka soo saarin wada-hadallada Borrel.

Midowga Yurub, ayaa hore ugu hanjabay Soomaaliya inay ka jari doonaan dhaqaalaha haddii aanay doorasho la qaban, xilligii uu madaxweyne Farmaajo isku dayay inuu xukunku uu sii dheereysto ee laga horyimid.