“Waxaan aamminsanay inaannu ku guulaysannay Taleex oo xaaladdaas la dejiyey” Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu wadahadal la sameeyey dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaasoo uu kala hadlay inay kala joojiyaan Ciidammada, ka dib markii ay Ciidanka Millateriga Somaliland la wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Taleex laba toddobaad ka hor.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Madaxweynaha dawladda Somaliland iyo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland uu kala hadlay dejinta xaaladda degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ee dalka Somaliland.

“Taleex waxoogaa waxaa ka dhacay dareen colaadeed, Ciidammada Somaliland ayaa yimi Yaleex, Puntland-na waxay u diyaarisay Ciidammo ka hortaga. Dawladda Soomaaliya waxay ka qaadatay door sidii xaaladdaas loo dejin lahaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Dawladda Puntland baan la hadalnay, dawladda Somaliland baan la hadalnay in arrintaas la dejiyo ayaan kala hadalnay. Waxaan aamminsannahay dawladda Soomaaliya inay ku guulaysatay arrintaas oo xaaladdaas la dejiyey.”

Madaxweynaha dawladda Soomaaliya, waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho oo uu hambalyo iyo bogaadin ugu diray Shaqaale waynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan maalinta Shaqaalaha adduunka ee kawda May oo maanta ku beegnayd awgeed.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.