Puntland oo sheegtay inaanu jirin wadahadal dhex-maray Cabdiwali Gaas iyo Wasiirro ka tirsan Somaliland

Garoowe(Aftahannews):- Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kulan dhex-maray Madaxweynaha Maamulkaas Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirrada arrimaha dibedda iyo gudaha ee dawladda Somaliland toddobaadkan mar ay ka wada qaybgaleen Shir lagu qabtay magaalada Baxardaar ee dalka Itoobiya. Hase-yeeshee, Wasiir Puntland u hadlay ayaa beeniyey jiritaanka kulankaas.

Cali-Xaaji-Warsame-300x300

Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Maamul-goboleedka Puntland Cali Xaaji Warsame oo Safarka uu Itoobiya ku joogo ku wehliya Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in aanay shir wadaagin Puntland iyo Somaliland, isla markaana uu yahay hadalkaasi mid Diblimaasiyadda ka fog sida uu ku dooday.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland lama Sinna Wasiir waa Masuul dhan haddii la kulmayana shaaca ayaa laga qaadi lahaa, waxaan caddaynayaa anigoo ka mid ah Wasiirrada Safarka k wehliya Madaxweynaha in aanay waxba ka jirin Shirkaasi ay sheegatay Somaliland, waa hadal layska yiri wax macno ahna aan ku fadhiyin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Maamul-goboleedka Puntland Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji Warsame waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi ay la yeelatay Idaacadda Radio Dal-jir oo laga leeyahay Puntland, waxaanu ku dooday inay Puntland aad uga xumaatay wax uu ugu yeedhay sheegashada Somaliland ee ah in Madaxwaynihii dhammaa uu la kulmay Wasiirro ka Darajo hooseeya, taasoo Wasiirku uu ku tilmaamay hadal meel loo waayay.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo gelinkii dambe ee Isniintii toddobaadkan isaga iyo Wasiirka arrimaha guduhu ku soo laabteen Caasimadda Hargeysa markii ay soo dhammaysteen hawlo shaqo oo ay dalka Itoobiya ugu maqnaayeen, ayaa Warbaahinta u sheegay inay Baxardaar ku kulmeen Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, isla markaana ay ka wadahadleen nabad ku wada-noolaanshaha iyo derisnimo wanaagsan oo dhex-marta Maamul-goboleedka Puntland iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.