“Dawladdu way baadhaysaa Qunsulka Kenya u magacawday Jubbooyinka..” Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay heerka uu wakhtigan marayo xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana sheegay inay dawladdiisu baadhayso Qunsul la sheegay inay Kenya u soo magacawda gobollada Jubbooyinka.

Madaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. “Nimanka nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ayaa sabab u ah waxa Kenya ka dhacaya. Kenya waa Kenyadii shalay, Kenya waa Kenyadii boqollaalka kun ee Soomaalida ah soo dhawaysay, siyaasaddeediina waxba iskama beddelin, dadkeedana waxba iskama beddelin.” sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Xasan.

Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud intaa sii raaciyey; “Laakiin, waxa halkaa gaadhsiiyey waa kuwa xag-jirka ah.” Waxaanu Madaxweynuhu intaa ku ladhay oo uu sheegay inay Kenya marti-gelisay kumannaan qof oo ka Ganacsada guda dalka Kenya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay Al-shabaab ka dambayso falalka amni-darrada ah ee ka dhacaya magaalooyinka dalka Kenya, kuwasoo sababay inay dowladda Kenya ay billowdo howlgallo ay ku qabqabatay Soomaali fara badan, waxaanu yidhi; “Waxaa socda wadahadal u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda qaxootiga adduunka, kaasoo ku saabsan sidii qaxootiga Soomaaliyeed ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen iyagoo aan la qasbin, lana raacayo shuruucda caalamiga ah ee u degsan qaxootiga.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Porf: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu kala hadlay mas’uuliyiinta Kenya inay dhawaan xuquuqda iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool, isagoo xusay in dowladda Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay inay dawladdiisu waddo baadhitaan ay ku samaynayso qunsul la sheegay inay Kenya u soo magacawday magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul-goboleedka Jubaland ee Koonfurta dalka Soomaaliya. “Warkaas waxba kama jiraan, dawladda Soomaaliya-na way baadhaysaa waxay ku jirtaa baadhitaanka Qunsulkaas warbaahintu sheegtay.”  ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.

Qunsulka la sheegay inay dawladda Kenya u soo magacawday gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii ay dawladda Soomaaliya u yeedhatay Safiirkii iyo Qunsulkii Kenya u fadhiyey, ka dib markii ay xurguf siyaasadeed oo la sheegay inay ka dhalatay dhibaatooyinka ay Kenya ku hayso Soomaalida dalkeeda ku dhaqani soo kala dhex-galay dawladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.