Muddaharaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Wajaale iyo dawladda oo Wasiirro u dirtay

Wajaale(Aftahannews):- Hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii Muddaharaad rabashado watay uu maanta ka dhacay magaalada Tog-Wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley, magaaladaas oo ah magaalo Ganacsi, ayaa ku taalla xadka isku xidha Somaliland iyo Itoobiya.

Muddaharaadka ayaa ka dhacay dhinaca gudaha Somaliland ee magaalada Wajaale, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal u ahaa dhacdadaas. Sidoo kale, Dad goob-joogayaal ah, ayaa Weriye Aftahannews ka tirsan u sheegay inay Ciidanka ammaanka ee magaalada Wajaale Rasaas kala hortageen Dad  muddaharaadayay oo ka soo horjeeda xadhigga Guddoomihii hore ee degmada Wajaale Qawrax Muuse oo Maamulka dawladda ee degmadu xidhay.

Qofka Dhintay ayaa ah Nin Macalin ahaa oo magaciisa lagu sheegay Naasir, kaasoo rasaas lagu dhuftay. Sidoo kale laba qof oo kale oo mid ka mid ah dumar tahay ayaa dhaawacmay, sida ay gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka ee Deegaanku.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Wajaale, ayaa lagu eedeynayaa arrimo dhul oo sida la sheegay Maamulka xilka kala wareegay ku eedeeyay inuu Iibiyay wakhtigii uu maamulka hayay. Hase ahaaatee, illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka dawlada iyo Bilayska oo la xidhiidha rabshadahan Magaalada ka dhacay. Balse, Dawladda ayaa ciidan gurmad ah uga dirtay magaalada Hargeysa si loo joojiyo rabshadahaasi.

Kolanyo ciidanka Bilayska ka tirsan ayaa goor aan sidaa u sii fogayn la arkayay iyagoo dhinaca Galbeed uga soo baxaya Magaalada Hargeysa, kuwaasoo sida laga soo xigtay Saraakiisha Amniga ku sii jeeda dhinaca wajaale.

Hase-yeeshee, intaa ka dib waxa magaaladaas gaadhay Wefti Wasiirro iyo Saraakiil Ciidan isugu jira. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wershadaha, Taliyaha Ciidanka Bilayska iyo Saraakiil kale, ayaa halkaasi u tegay daminta Xiisadan saaka ka bilaabantay Magaalada.

Masuuliyiintan ayaa ku guulaystay inay dejiyaan dadkii gaddoodsanaa ee saaka isu soo baxay. Maydka qofka dhintay ayaan wali la aasin, waxaana la sheegay inay madaxda dawlada iyo Eheladiisu ka wada hadlayaan arrinta dilka.

Dadka deegaanka oo qaarkood warbaahinta la hadleen ayaa Guddoomiyaha Degmada ku eeddeeyay inuu ka masuulyahay wixii Magaalada ka dhacay maanta. Mr. Xaashi ayaa lagu eeddeynayaa inuu sabab la’aan ku xidhay Maayirkii hore Qawrax.

Waxay wararka laga helayo magaalada Wajaale sheegayaan in xaaladdu kacsanayd intii hore, balse immika laga rejo qabo inay si fiican u degto oo ay ka soo raynayso, iyaga oo Ciidammo Boolis ah oo lagu kordhiyey kuwii magaalada hore u sii joogay ay ammaanka aad u adkeeyeen, sida ay Aftahannews ku helayso wararka Wajaale. Halkan hoose ee Aftahan TV ka daawo muuqaal laga soo duubay Muddaharaadkaas.

aftahaninc@gmail.com                                                          

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.