Cabdiwali Sheekh oo Ballan-qaadyo iyo Bogaadin ku qaabbilay Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka hadlay Maalinta shaqaalaha caalamka ee 1-da bisha May oo maanta ku beegnayd, isla markaana waxa uu hambalyo u diray maalintan awgeed Shaqaalaha adduunka guud ahaan, gaar ahaanna Shaqaalaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

RAYSAL WASAARE CABDIWALI SHEEKH AXMED

Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh waxa uu sheegay in inay farxad u tahay maanta dhammaan shaqaalaha Adduunka, ka dib markii loo asteeyay 01-dii May, sannadkii 1904-tii inay noqoto maalin ay shaqaalaha Adduunku u dabbaal-dagaan maalintooda loo gaar-yeelay oo ay shaqooyinka ay qabtaan oo dhan fasax ka yihiin.

Waxaanu Raysal-wasaare Cabdiwali oo maalintan ka hadlayaa yidhi; “Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa dhammaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah u shaqeysta ee ragga iyo dumarka leh, kuwaasoo si hagar la’aan ah u shaqeeya laga bilaabo arroortii ilaa qorrax dhicii, si ay qaybtooda uga qaatan horumarinta dalkooda.”

Raysal-wasaaraha Soomaaliya waxa uu xusay in shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ay qayb ka yihiin kor u qaadidda horumarka dalka iyo abuuridda fursado dhallinyarada shaqo loogu abuuro, isla markaana lagaga leexiyo xag-jirnimada. Cabdiwali Sheekh Axmed waxa uu sheegay inay Xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha, isla markaana ay dawladdu diyaar u tahay inay fududayso hirgelinta xidhiidh fiican oo dhex-mara dawladda iyo Ururrada u dooda Xuquuqda Aadamaha guud ahaan, gaar ahaanna Xuquuqda Shaqaalaha.

“Illaa intii Xukuumaddan cusub la dhisay waxaa ka go’an inay ficil ahaan u fuliso sidii ay u abuuri lahayd shaqooyin, loona hormarin lahaa xuquuqda shaqaalaha, taasoo sababi karta soo jiidashada maal-galiyayaal shisheeye, si taas loo helana waxaan xoojinaynaa nabad-galyada oo fure u ah in laga miro-dhaliyo horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Raysal-wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi;  “Qorshaheenna shaqo abuurista waa mid cad kaasoo ku saleysan is-bedelka siyaasadeed oo u daggan xukuumadda iyo ballan-qaadkeena soo celinta sharciga iyo kala dambaynta, dib u dhiska iyo dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur-buray dagaaladii sokeeye iyo kor u qaadidda wax-soo-saarka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo dar-dar galinta ganacsiga.”

“Si’aan uga gun-gaarno ilaalinta xuquuqda shaqaalaha waxaan heshiis la galnay bishii Maarso hay’adda caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka (ILO); waxaana aamin-sanahay inaan horumarinno ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, si looga hor-tago gaajada, isla markaana ay suuro-gasho dib u soo celinta xasilloonida dalka. Waxaana diyaar u nahay inaan fulinno qodobbadii aan ku heshiina (ILO).” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdiwali Sheekh, waxaanu ballan-qaaday in Xukuumaddiisu dedaal dheeraad ah u geli doonto sidii looga hor-tagi lahaa inay sii socdaan weerarrada argaggixiso ee lagu hayo shaqaalaha iyo goobaha shaqo ee ay ka hawlgalaan.

“Waxaan ku dadaalaynaa inaan samaynno wada-shaqayn dhex-marta ururrada shaqaalaha, rugta ganacsiga iyo wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha annagoo waafajinayna qaanuunka caalimaga ah, si loo muujiyo wada-shaqayn lagu ilaalinayo xuquuda shaqaalaha, loogana hortago tacadiyada loo gaysto shaqaalaha.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya. Waxaanu xusay in Xukuumaddu diyaarinayso jewi ay ku dhiirri-gelinayso shirkadaha gaarka loo leeyahay laguna abuurayo shaqooyin ku salaysan kobcinta dhaqaalaha taasoo sahli karta in dadku helaan shaqo joogta ah.

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 1-da Bisha May sannadkan 2014-ka, waxa caalamka intiisa badan looga dabbaal-degay maalinta Shaqaale-waynaha adduunka, iyaga oo guud ahaan dalalka laga Maalinta shaqaalaha looga aqoonsaday maalintan ay Shaqaalohoodu fasax ka ahaayeen shaqooyinkooda, dalalkaas oo ay dabcan Soomaaliya-na ka mid tahay.

aftahaninc@gmail.com                                                          

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.