Maraykanka iyo dalalka Bariga Afrika oo isla qaatay in Ciidammo deg-deg ah loo diro South Sudan

Addis Ababa(Aftahannews):- Dowladda Mareykanka ayaa ku baraarujisay dalalka bariga Afrika inay si degdeg ah ciidamo ku filan ugu diraan dalka Sudan-ta Koonfureed si ay u soo afjaraan colaadda ka socota dalkaas in ka badan lix bilood, taasoo ay ku dhinteen dad aad u badani.

John Kerry ayaa markiisii ugu horeeyay booqanaya qaaradda Afrika

Wasiirada arrimaha dibadda Itoobiya, Kenya iyo Ugandha, ayaa sheegay inay isku raaceen in loo baahan yahan tallaabooyiin dheeraad ah oo lagu xasiliyo dalkaasi.

Balse faafaahin kameysan bixin tallaabada waxa ay noqoneyso, waxaa jiray muddo bilo ah oo aan si adag aan looga jawaabin dilalka ka dhacayay dalka South Sudan tani iyo bishii December ee sanadkii tagay.

Safarka mr John Kerry ee Afrika ayaa la siinayaa ahmiyad gaar ah oo lagu taabanayo arrimaha muhiimka u ah qaaradda.

Dagaallada qaaradda:

Hese-yeeshee, Xogahayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry, ayaa sheegay “inay halis tahay” in ciidamada Afrika ay wajahaan rabshadaha dhimashada wata ee qaaradda oo dhan ka dhacaya, sida South Sudan tan ka socota, hadalkaasi waxa uu sheegay mar uu ka hadlayay kullinkisii ugu horeeyay ee madaxda Afrika uu la yeeshay.

Waxa uu u sheegay guddiyada midowga Afrika oo isugu tagay xaruntooda ee Magaalada Addis Ababa, in Mareykanka oo Qaramada midoobey kala shaqeyn doono sidii loo taageeri lahaa ciidamada nabad ilaalinta ama kuwa nabad dhaliyayaasha, marxaladaha qaar.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku qiyaasay 5,000 oo askeri in looga baahan yahay dalka South Sudan si ay uga hortagaan dhiigga daadanaya.

Dalkaasi waxaa ku dagaalamayo, madaxweyne Salva Kiir oo kasoo jeedo qowmiyadda Dinka, iyo madaxweyne ku xigeenkiisii hore ee Riek Machar, oo ka dhashay qowmiyadda Nuer, oo lagu eedeeyay inuu afgembi isku deyay.

Shaqada ciidamada:

Kadib kulamo gooni-gooni ah oo Mr Kerry uu la yeeshay diblumaasiyiinta dalalka Bariga Afrika, Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom ayaa tilmaamay in dhinacyada ay isla eegeen baahida degdegga ah ee loo qabo in ciidamo la geeyo South Sudan.

Markii uu hadalkaasi jeedinayay waxaa wehliyay Kery, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Wasiirada Kenya, iyo Ugandha.

Waxayna wararka qaar sheegayaan in laga wadahadlay tirada ciidamada, xilliga lageynayo, iyo sida ay noqoneyso shaqadooda.

John Kerry oo booqanaya qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika ayaa la filayaa inuu socod ku maro dalka South Sudan, kadibna uga sii gudbo dalalka Angola iyo jamhuuriyadda dimuqaraadiga ee Congo.

Ujeedada Safarkiisa ayaa lagu sheegay inay tahay xoojinta xiriirka ganacsiga iyo xaaladaha nabadgelyada iyo amniga ee qaaradda.

Xigasho BBCSOMALI.COM.