Somaliland oo shaacisay inaanay 23 -ka sano ee ay jirtay ka badan sugi karin aqoonsiga weli ka maqan

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inaanay muddada 23-ka sano ah ee ay aqoonsiga sugaysay wax ka badan sii sugi karin, isla markaana aanay aqoonsi la’aan ku sii jiri karin. Waxaanay sidaa daraaddeed xidhiidh la samaysay Khobaro kala duwan oo ku xeel-dheer hawlaha ictiraaf-raadinta iyo helitaanka aqoonsiga dalalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Arbacadii (shalay) kulan la yeeshay Garyaqaanno la sheegay inay ku xeel-dheer yihiin raadinta aqoonsiga dalalka iyo waddooyinka loo maro, isla markaana Somaliland kala shaqayn doona helitaanka Ictiraaf ay beesha caalamka uga hesho si dhaqso ah.

Kulanka dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo Xubnaha ka socda Urur Garyaqaanno ah oo fadhigiisu yahay waddanka Koonfurta Afrika oo aanay Saxaafaddu goob-joog ka ahayn, waxa haddana qoraal kooban oo Madaxtooyada ka soo baxay lagu sheegay in Madaxweynuhu Weftigaas Garyaqaannada ah ku qaabbilay Xafiiskiisa, isla markaana uu uga mahad-celiyey hawsha aqoonsiga ee ay Somaliland kala shaqayn doonaan sidii ay mar uun u noqon lahayd dal ka mid ah waddamada caalamka ee la aqoonsan yahay.

Hase-yeeshee, markii kulankaasi dhammaaday waxaa Warbaahinta uga warbixiyey Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo sheegay inay muddo badan oo 23 sano ah Somaliland rejaynaysay aqoonsi ay caalamka ka hesho, balse aanay weli helin, isla markaana ay adag tahay inay sii sugaan wakhti intaa ka badan oo ay Somaliland aqoonsi la’aan ku sii jirto.

Halkan hoose ka dhegayso Hadalka Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ku sheegayo inaanay sugi karin aqoonsiga wakhti kale iyo mid ka mid ah Garyaqaannada Ajaanibka ah oo  isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ee ay Madaxtooyada ku wada-qabteen Wasiirka.

IMG_4479 IMG_4477 IMG_4478 IMG_4468 IMG_0461 IMG_0469 IMG_4466 IMG_0501 IMG_0451 IMG_0454

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.