Faahfaahin ku saabsan Maxaabiis Askar ku laayey Xabsiga Hargeysa oo Xukuumaddu ka hadashay

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-d u sheegay in hal Askari uu dhintay, laba kalena ay dhaawacmeen, ka dib markii Maxabiis danbiyo culus ku xukuman ay isku dayeen inay galabta ka baxsadaan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo ay ku xidhnaayeen.

110627144338_hargeisa_prison__304x171_bbc_nocredit

Wasiirka ayaa sheegay in inta ilaa iyo hadda la hubo hal baastoolad iyo rasaasteedii ay u suurtagashay maxaabiistaasi in gudaha xabsiga loogu geeyo.

Wuxuu sheegay wasiirku in maxaabiistaasi oo tiraoodu aheyd afar ay baastooladaasi ku dileen askariga dhintay, kuna dhaawaceen labada askari ee kale oo ka mid ahaa ayuu yidhi ilaalada iridda weyn ee jeelka, kaddibna ay banaanka xabsiga u soo baxeen, laakiinse askartii kale ee ilaalineysay xabsiga oo gacan ka helayay dadweynaha ayaa dib u soo qabtay afartii maxbuusba.

Wasiirka caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu intaa ku daray in haatan baadhitaan xoog lihi uu socdo oo ku saabsan sida baastooladaasi askarta lagu dilay iyo rasaasteedu u galeen gudaha xabsiga iyo cidda loo adeegsaday.

Wasiirka oo aan weydiiyay maxaabiistaasi danbiyada culus ee ay ku xukumanyihiin? ayaa wuxuu ku jawaabay “Waxay isugu jiraan maxaabiis budhcad badeed ku xukuman iyo kuwo falal rgagixiso hore loogu helay.”

Sida laga warqabo xabsiga dhexe ee Hargeysa oo dhawr sano ka hor Qaramada Midoobay ay dayac tirtay waxaa maxaabiista ku jirta ka mid ah ilaa 29 maxbuus oo Soomaali ah oo denbiyo budhcad badeed maxkamadaha dalka Seychelles ugu xukumeen, hase-yeeshee loo soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Somaliland siiba magaalada Hargeysa ayaa dadweynuhu aad u dareemeen maxaabiistan weerartay askartii ciidanka asluubta ee ilaalineysay, iyadoo dadweynuhu aad ula yaaban yihiin sida ay u suurtagashay in hub loogu geeyo maxaabiis gudaha jeelka oo aad loo ilaaliyo ammaankiisa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.