Hargeysa: Gaadhi Bas ah oo galay Meherad Ganacsi iyo 3 Qof oo ku dhaawacmay: Daawo Sawirrada

Hargeysa(Aftahannews):- Ugu yaraan saddex qof ayaa dhaawacyo sahlani ka soo gaadheen Shil gaadhi oo ka dhacay agagaarka Guriga Shaqaalaha dawladda.

Shiis

Gaadhi Bas ah oo siday Rakaab ayaa Al-baabka kaga xerooday Meherad Ganacsi oo ku taala Sekedda dhinaca Galbeed kaga qabsan Guriga Shaqaalaha.

Meheradda Gaadhigu galay oo lagu iibiyo Qalabka Computer-ada, isla markaana magaceeda la yidhaahdo Iftin Computers, ayaan wax khasaare ahi soo gaadhin dadkii ku sugnaa Gudaha Meheradda.

“Gaadhigan oo xawli ku socday ayaa galay wajahada hore ee Dhismaha Meheradda, dabadeed wuxuu ilaa hal nus Mitir Gudaha u galay Guriga”, sidaa waxa Gobanimo u sheegay Goob-jooge Meherad ku haysta goobta shilku ka dhacay.

Gaadhiga ayaa siday dad rakaab ah oo badan, kuwaasoo saddex ka mid ah dhaawacyo soo gaadheen.

“wuxuu ku socday Xawli, dabadeed wadda ayaa cidhiidhi ku noqotay, ka dibna wuxuu isyidhi waddan kale ku laab, isagoo sidiisii u xameysan ayuu galay Guriga”sidaasina waxa yidhi goob-jooge kale.

“adigu cid wax ku noqotay may jirin, saddex qof oo Rakaab ah ayaa dhaawac soo gaadhay oo Cisbitaalka loo qaaday”ayuu hadalkiisa raaciyay.Shil gaadhi

Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo booqday goobta Shilku ka dhacay, ayaa indhahooda ku soo arkay gaadhiga oo madaxa kula jira meherada.

Goob-joogeyaasha ay wariyeyaashu la kulmeen ayaa sheegay in Ninkii Gaadhiga waday isagoo bad qaba iskaga tegay goobta oo aanay wax bilays ahi meesha iman, inkasta oo dadkii Meherada joogayna aanay cid meesha ku sugnayd jirin.

Qaar ka mida dadkii ku sugnaa Meherada tan Gaadhigu galay ku sugnaa ayaa argagax ka muujiyay Shilkan.

Shilalka noocan ayaa inta badan ka dhaca meelaha Suuqa ah ee dadku ku badan yihiin.

Waxa inta badan sababa Baabuuta Suuqa ku dhex maraysa Xawaaraha sare ee aan loogu talo gelin in Magaalada lagu dhex maro.Shhhs   shli

Xigasho Gobanimonews.