Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Maxaabiis isku dayey inay ka baxsadaan Xabsiga Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Hal Askari ayaa dhintay, mid kalena waa dhaawac Ciidanka ilaalada Xabsiga dhexe ee Hargaysa, ka dib markii ay Rasaas ku rideen Maxaabiis ka tirsan kuwa argagixisannimada Xabsigaas ugu xidhan oo isku-dayey inay baxsadaan.

Askari-300x224

Kuwaaso la sheegay inay adeegsadeen Baaskoolado ay ilaalada ku weerareen oo aan la garanayn sida ay Jeelka ugu dhex-heleen, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen Saraakiil Ciidanka Asluubta ka tirsan oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo, Maxaabiista baxsanayey ayaa ahaa lix la sheegay inay u xidhnaayeen kiisas Budhcad-badeednimo, isla markaana shan ka mid ah ayay ciidanku gacanta ku dhigeen, halka kii lixaadna la sheegay inuu baxsaday oo aan isaga la qaban.

Dhawaaqa Rasaasta ayaa laga maqlayey Nawaaxiga Jeelka magaalada Hargeysa, taasoo la sheegay inay is-weydaarsadeen Maxaabiista Baxsanaysay iyo Askarta Ciidanka Xabsiyada ee Asluubta Somaliland, waxaanay Maxaabiistaas oo Baaskoolado adeegsanayaa si caadi ah uga soo baxeen Kidinka jeelka laga galo, hase-ahaatee waxa qabtay ilaalada kidinka Xabsiga.

Sarkaal ka hawlgala Xabsiga dhexe ee Hargeysa, ayaa Aftahannews u xaqiijiyey in Maxaabiiistaas oo tiradoodu Lix nin ahayd ay isku dayeen inay ka baxsadaan Xabsiga, hase-yeeshee, aanay ku guulaysan oo gacanta lagu dhigay shan Maxaabuus oo kiis Budhcad-badeednimo ah u xidhannaa, halka kii lixaad uu baxsaday, kuwaasoo aan illaa hadda la ogaannin sida ay wararku sheegayaan cidda Baaskooladaha ugu gaysay gudaha Xabsiga ay ku xidhnaayeen.

Sarkaalka Aftahannews warkan u xaqiijiyey waxa uu intaa ku sii daray in Askariga geeriyooday magiciisa la odhan jiray Cabdi Siciid, halka Askariga dhaawaca ahna uu ku sheegay magiciisa oo kooban Beer-geel. Askariga dhintay ayuu Sarkaalku Aftahannews u sheegay inuu ahaa Askarigii gaadhka ee dusha sare saarnaa, halka ka labaad ee dhaawacmayna uu ka mid ahaa ilaaladii kidinka hore taagnaa.

Ciidanka ilaalada Xabsiga dhexe ayaa xoog loo xoojiyey, isla markaana waxa la arkayey Ciidan badan oo gaaf-wareegaya hareeraha Xabsiga dhexe oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa.

Dhawr sano ka hor ayay mar sidan oo kale Maxaabiis falal argagixiso ugu xidhnaa Xabsiga Hargeysa isku dayeen inay ka baxsadaan, waxaanay tani noqonaysaa markii labaad ee kooxo argagixiso u xidhani sameeyaan fal noocan oo kale ah. Wixii warar ah ee ka soo kordha dhacdadan Aftahannews kala soco.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.