Diyaarad Jaad sidday oo shil ku gashay dhabbaha diyaaradaha ee Garoonka Guri-Ceel

Guri-ceel(Aftahannews):- Diyaarad Jaad (Qaad) sidday, ayaa saaka shil ku gashay garoonka diyaaradaha degmada Guri-Ceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaddib markii ay ka baxday dhabbaha ay diyaaraduhu ku cararaan ee garoonkaas, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha degmada Guri-ceel.

SANYO DIGITAL CAMERA

Diyaaradda ayaanu soo gaadhin Burbur xooggani sida ay ku soo warramayaan Weriyeyaal Madaarka tegay oo diyaaraddaas soo arkay, hase-yeeshee, khasaare sababay inay kici kari waydo, ayaa soo gaadhay Diyaaraddaas oo fadhida garoonka ay shilka ku gashay.

Guddoomiyaha degmada Guriceel, Cismaan Ciise Taar-dhuleed ayaa sheegay inuu sabab u ahaa duuliyaha in diyaaraddu shil gasho, isagoo xusay in diyaaradda uu ka dajiyay meel ahayn halkii loogu talo-galay. “Diyaarad jaad sidday oo Nairobi ka timid ayaa saaka shil ku gashay garoonka, waa diyaaradii subax walba imaan jirtay Guriceel, dhibaatada waxay ka timid duuliyaha oo meesha diyaarada ku degi lahayd meel aa aheyn ku dejiyay, taasoo sababtay in diyaaraddu ay ka baxdo dhabbaha,” ayuu yiri Taar-dhuleed.

Sidoo kale, guddoomiyaha Guriceel wuxuu sheegay in diyaaradda aysan burburin, balse uu gaaray dhaawac, ayna bad-qabaan duuliyihii diyaaradda, jaadkii si nabad ah looga dajiyay.

Taar-dhuleed ayaa intaas ku daray inaanay suuro-gal aheyn in diyaaraddu ay dib ugu laabto maanta magaalada Nairobi, isagoo xusay in shilkan uu yahay kii labaad oo ka dhaca garoonka diyaaradaha degmada Guriceel.

Diyaaradaha qaadka oo ay soo rartaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxay maalin walba kasoo dagaan garoomada diyaaradaha dalka, iyadoo ay dhowr jeer diyaarado qaad keenay dalka ay ku burburiyeen garoomada.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.