Xasan Cali Khayre “Intuu Dalka Musuq-maasuq Ka Jiro Caddaalad Jiri Mayso, Kala Dambeyn Jiri Mayso”

Muqdisho (Aftahannews)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta Muqdisho ka furay shir weynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay caqabad uu sheegay inay Al-Shabaab ku hayaan dhismaha wadada xidhiidhisa Muqdisho iyo Afgooye.

Kheyre ayaa sheegay in dhismaha wadaas lagu soo gab-gabayn doono muddo labo bil gudahood ah, taas oo fududeyn doonta sida uu sheegay khudaarta iyo adeegyada kale ee isaga gudba gobolka Shabeellada Hoose iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“Intii dhismuhu ku socday wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye waxay argagixisadu soo weerartay in ka badan 11 mar, wado loo dhisaayo shacabka Soomaaliyeed qofka raba inuu hor istaago diin nalama wadaago, dal nalama wadaago, calana nalama wadaago waa inaan iska celinaa hadii aan Soomaali nahay” ayuu yidhi Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo hadal qaaday dib u habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo dhalinyaradii ka soo qeyb gashay kulanka ku dhiira galiyey inay yihiin milkiilayaashii dalkaan, sidaa darteedna looga baahanyahay inay ka qeyb qaataan suulinta musuq maasuqa oo uu sheegay inuu yahay midka la degay dalka.

“Intuu musuq maasuq dalka ka jiro cadaalad jiri meyso, kala dambeyn jiri mayso, inta musuq jiro dowlad xoog lihi dhalan mayso, argagixisadana kama adkaa doono, waxaan rajeynaa inaad u soo jeesa doontaan isla xisaabtan iyo suulinta musuqa, si aad uga dhabaysaan lahaan shaha dalkan” ayuu yidhi Kheyre.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya, waxuuna socon doonaa muddo afar maalmood ah.