Khudbadaha Madaxda Federaalka iyo Maamullada Soomaaliya ka jeediyeen Shirka Wada-tashiga Kismaayo

SHIRKA WADA-TASHIGA SOOMAALIYA EE KISMAAYO

Kismaayo(Aftahannews):- Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Axmed Madoobe, Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan, Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Galmudug, C/kariin Guuleed ayaa Maanta Khudbado kala duwan ka jeediyay Shirkii Wadata-shiga Qaran ee Kismaayo ka furmay.

SHIRKA WADA-TASHIGA SOOMAALIYA EE KISMAAYO
SHIRKA WADA-TASHIGA SOOMAALIYA EE KISMAAYO iyo Masuuliyiinta ka qaybgalay

Khudbadihii madaxdu ay jeediyeen ayaa intooda badan waxay ahaayeen kuwo dar-daaran iyo guubaabo isugu jiray, waxaana khudbadaha ay u kala jeediyeen sidan soo socota;

MADAXWEYNAHA DF SOMALIA – XASAN SHEEKH;

Khubaddii uu madaxweynaha Somalia ka jeediyay shirka ka furmay Kismaayo ayuu ku sheegay in Somalia ay maanta kasoo gudubtay dhibaatadii dagaalladii sokeeye dalka soo maray ka dhashay, haatanna uu waji cusub u furmay.

“Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay midnimo iyo dowladnimo xooggan. Madashan oo ay mas’uuliyiinta Somalia isugu yimaadeenna go’aanka kasoo baxa wuxuu gundhig u noqonayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar uu ka hadlay nidaamka awood-qaybsiga Somalia ee 4.5-ka ayuu sheegay in madaxda ku dhagan in nidaamka 4.5-ka laga guuro ay tahay inay tahay inay ka fikiraan wixii lagu badali lahaa iyo meesha loo rarayo dalka, kuwaasoo uu sheegay inay u baahan yihiin in la sahmiyo. Isagoo xusay in maanta ay hiilo dhinac walba ah u baahan yihiin.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadajirka ummadda Soomaaliyeed ay tahay mid muhiim ah; kulankana uu rajeynayo in in looga tashado, wuxuuna aad ugu dheeraaday ka hadalka waxa uu shirka Kismaayo ka bedeli karo siyaasadda Soomaaliya, maadaama mustaqbalka Somalia looga tashanayo.

“Beesha Caalamka kulammadan oo kale loogama baahna inay goobjoogayaal ka noqdaan; balse madaxda Somalia looga baahan yahay inay go’aan ummadeed ku gaaraan,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND – AXMED MADOOBE;

Waxaa isagana ka hadlay furitaanka shirkan madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo sheegay inay mas’uuliyiinta shirkan kasoo qayb-gashay ay la yimaadaan niyad-wanaag, isagoo muujiyay inuu rajo ka qabo in la isu-tanaasulo, maadaam la doonayo in shirkaan go’aan looga gaaro qaabka doorasho ee sannadkaan dalka ka dhici doonta.

“Madaxda Soomaalida waxaa laga doonayaa inay fiiriyaan xaaladda dalka oo ah mid adag, loogana baahan yahay inay ka hadlaan danaha dadka Soomaaliyeed; ee ayna fiirin xilalka ay hayaan iyo inay sii dheereystaan oo keliya,” ayuu hadalkiisa ku yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa xusay in looga baahan yahay in wax walba oo jira ay ka tanaasulaan, ayna ka shaqeeyaan danta dalka, maadaama dalkeena uu culeys saaran yahay, isla markaana beesha calaamku ay muddo dheer nasoo wadeen, wixii hadda ka dambeeya aan loo baahayn inaan isku halleyno Beesha Caalamka oo waxan qabsan karno aan innagu qabsanno.

“Mudane Madaxweyne, Guddooomiye iyo Ra’iisul Wasaare, maanta shacabkeenu innaga ayay nasoo eegayaan, waxbayna naga sugayaan, sidaas darteed waa in aynu wax walba oo masaalixdeenna ah ka hormarinno tan shacabkeenna,” ayuu madaxweynaha Jubbaland yiri mar kale.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND – C/WELI GAAS;

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo isagana hadal kooban ka jeediyay furitaankii shirka Kismaayo ayaa xusay in mowqifka Puntland ee ku aaddan doorashada ka dhici doonta dalka sanadkan 2016-ka uu yahay mid cad, ayna horay u soo jeediyeen.

C/weli Gaas ayaa carrabka ku adkeeyay in Puntland ay ogoshahay wax Allaale iyo wixii ay Soomaalidu ku heshiiso oo Midnimo Soomaaliyeed lagu gaari karo, Isagoo xusay in wixii go’aanno ah ee shirkan kasoo baxa ay aqbalayaan.

“Puntland mowqifkeeda doorashada dalka ee sannadkan horay ayay u sheegtay, iyagoo ku taliyay shacabkeedu in doorashadu ay noqoto mid ka duwan 4.5-ka, waxna lagu soo doorto hab deegaan. Laakiinse wixii kasoo baxa shirkaan oo ay Soomaalidu ay isku raacdo waan aqbalaynaa,” ayuu yiri C/weli Gaas.

MADAXWEYNAHA KOONFUR-GALBEED – SHARIIF XASAN;

Madaxwaynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna hadalkii uu ka jeediyay furitaankii shirka ku sheegay inuu maanta si weyn u soo dhaweynayo shirka ka Furmay Kismaayo, ayna Maanta Somalia u tahay maalin weyn oo ay kaga Tashanayaan mustaqbalkooda.

Shariif Xasan ayaa xusay in ka maamul ahaan ay taageerayaan wixii shirkaan kasoo baxa, isagoo rajo ka muujiyay inay kasoo bixi doonaan qodobbo dan u ah Dadka Soomaaliyeed oo la isku raacsan yahay.

MADAXWEYNAHA GALMUDUG – C/KARIIN GUULEED;

Ugu dambeynti, madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si la mid ah madaxdii ka horreysay, wuxuuna ku baaqay in madaxda shirk aka qayb-galaysa ay si wanaagsan uga fikiraan mustaqblka siyaasadeed e Somalia.

C/kariin Guuleed ayaa khudbaddiisa ku sheegay in madaxda Soomaalidu uu xil ka saaran yahay in dalka la gaarsiiyo midnimo ay Soomaali u dhan tahay, lalana hadlo cid walba oo cabasho qabta, kuwaasoo ay ka mid tahay Somaliland.

Xigasho Hiiraan.com.