Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la soo saarayo kheyraadka dalka

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay soo saaristan iyo bandhigga kheyraadka dalka,kaddib kulan ka dhacay magaalada London.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta  dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay  dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee  dalka. 

Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in arrintan loo marayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada London halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliya ee dalka Ingiriiska, isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu  soo gabagabeeyay magaalada London.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baadhitaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka,shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo.

Ugu danbeyntii,Wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baadhista iyo soo saaristiisaba.

Source: Hiiraan Online

Share Button

You must be logged in to post a comment Login