Ujeeddada Safar Madaxweyne Siilaanyo ugu baxay Gobollada Saaxil iyo Togdheer & Sidii Berbera loogu soo dhaweeyey

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO SIDII LOOGU SOO DHAWEEYEY GOBOLKA SAAXIL IYO BERBERA MARCH 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xubno tirsan Masuuliyiinta Xukuumaddiisa, ayaa caawa u hoyday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ka dib markii ay Casarkii Maanta ka baxeen Hargeysa.

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO SIDII LOOGU SOO DHAWEEYEY GOBOLKA SAAXIL IYO BERBERA MARCH 2017
MADAXWEYNE SIILAANYO IYO SIDII LOOGU SOO DHAWEEYEY GOBOLKA SAAXIL IYO BERBERA MARCH 2017

Madaxweynaha iyo Xubnaha la socday, ayaa lagu soo dhaweeyey Berbera iyo inta u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Ujeeddada Safarka Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay mid uu ugu kuurgalayo xaaladda Dadka iyo hawlaha Qaranka ee gobollada Togdheer iyo Saaxil siday u socdaan. Waxaanay Madaxweynaha iyo Xubnaha la socdaa ka qaybgalayaan furitaanka Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey magaalada Berbera, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr.

Inkasta oo aanu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka hadal ujeeddada Safarkiisan kooban, haddana Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera Fiidkii Caawa, ayaa ka warramay ujeeddada Safarka Madaxweynaha iyo meelaha uu kormeeri doono, isla markaana xaaladaha ka jira mid shaqo iyo mid nololeed uu u kuur-geli doono.

Hadalka Afhayeenka Madaxtooyada iyo qaabka loo soo dhaweeyey markii uu madaxweynuhu gaadhay Berbera, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.