Xulka Qaranka Cameroon oo Markii Shanaad Ku Guulaystay Koobka Kubbadda Cagta ee Qaramada Afrika

XULKA QARANKA CAMEROON OO MARKII SHANAAD KU GUULAYSTAY KOOBKA KUBADDA CAGTA AFRIKA 2017

Gabon(AFN):- Xulka Qaranka Cameroon, ayaa markii shanaad caawa ku guulaystay Koobka Qaramada Afrika ee ka socday dalka Gabon, iyaga oo laba Gool iyo Hal kaga badiyey Xulka Qaranka Masar.

XULKA QARANKA CAMEROON OO MARKII SHANAAD KU GUULAYSTAY KOOBKA KUBADDA CAGTA AFRIKA 2017
XULKA QARANKA CAMEROON OO MARKII SHANAAD KU GUULAYSTAY KOOBKA KUBADDA CAGTA AFRIKA 2017

Ciyaarta oo ahayd mid isha aad loogu hayey, waxa uu Xulka Qaranka Cameroon oo aan Haafkii hore ee Ciyaarta waxba dhashan, ka daba yimid oo ku jiidhay xulka Egypt 2-1, sidaasna wuxu ku xaqiiqsaday Koobkii Shanaad ee Kubbadda Cagta ee Qaramada Afrika, Ciyaartii caawa Finalka.

Ciyaaryahanka beddelka ku soo galay ee Vincent Aboubakar ayaa goolka guusha si fudud oo lama filaan ah dhamaadkii ciyaarta shabaqa ku shubay, isagoo ku dhex dejistay Kubbadda, isla markaana ka dhex laagay difaacyahanada xulka Masaarida oo uu dhex taagan yahay.

Nicolas Nkoulou oo laftiisu ciyaarta bedel ku soo galay ayaa u saxeexay Cameroon, goolka barbar dhaca ciyaarta ka dhigay, taas oo ahayd xanaaqad la soo laagay oo uu madax ku xareeyey.

Goolka barbar-dhucu wuxuu meesha ka saaray, goolkii Faraacinadu hogaanka ku qabteen ee uu u saxeexay, Mohamed Elneny, daqiiqadii 22 aad ee ciyaarta qaybta hore.

Xigasho Cadalool.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.