Madaxweyne Siilaanyo & Madaxda kale Maxay ka yidhaahdeen Shaqsiyaddii Marxuum Goodir?

AASKA AXMED AADAN CALI GOODIR HARGEYSA LOOGU SAMEEYEY 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah Naxariistii Janno haka waraabiyo ee La-taliyihii arrimaha dawladaha hoose ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Aadan Cali (Goodir), ayaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa, ka dib markii uu shalay ku geeriyooday isla Hargeysa.

AASKA AXMED AADAN CALI GOODIR HARGEYSA LOOGU SAMEEYEY 2016
AASKA AXMED AADAN CALI GOODIR HARGEYSA LOOGU SAMEEYEY 2016

Waxaa Aaska Qaran ee maanta Qubuuraha Xeedho ee Duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir) ka qaygalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana ka qaybgalay Aaskaas Madaxweynaha Axmed-Siilaanyo, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, Wasiirro, Masuuliyiin Hay’adaha dawliga ah ka tirsan, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID, Siyaasiyiin, Salaaddiin, Cuqaal, Culimo iyo Dadweyne kale oo badan.

Guud ahaan Masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ee Aaska Marxuumkma ka qaybgalay, ayaa Marxuumka Allaah uga beryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaan Somaliland, iyagoo halkaa kaga sheekeeyey ama kaga warramay Taariikhdii Marxuum Goodir iyo wixii uu Somaliland u soo qabtay, isaga oo Marxuumku ka mid ahaa toddobadii Xubnood ee ugu horreeyey ee loo magacaabo Guddiga doorashooyinka Somaliland sannadkii 2002-dii ee qabtay doorashooyinkii u horreysay ee dawladaha hoose iyo tii Madaxtooyada ee 2003-dii.

Waxaannu sidii uu u dhacay Aaska Marxuumka, hadallada ay Xabaasha dusheeda ka jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Cirro, Guddoomiye Muuse Biixi iyo Xubno kale oo badan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.