Madaxweynaha Gambia oo Aqbalay in Musharraxa Mucaaradku kaga Guulaystay Doorashadii Dalkiisa

Madaxweynaha Gambia Yahya Jammeh oo talada dalkaas hayay tan iyo sannadkii 1994-kii

Banjul(Aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gambia Alieu Momar Njie, ayaa Jimcii Maanta sheegay in Madaxweynihii Gambia Yahya Jammeh uu aqbalay in lagaga guulaystay doorashadii Madaxnimo ee ka dhacday dalkaas maalmo ka hor, taasoo uu kaga adkaaday Musharrixii Xisbiyada Mucaaradka ah ee is-bahaystay soo sharraxeen.

Madaxweynaha Gambia Yahya Jammeh oo talada dalkaas hayay tan iyo sannadkii 1994-kii
Madaxweynaha Gambia Yahya Jammeh oo talada dalkaas hayay tan iyo sannadkii 1994-kii

Alieu Momar, ayaa hadalkiisa ku daray in ay ahayd waxaan la saadaalinayn inuu qiran doono Hoggaamiyaha Gambia in lagaga guulaystay doorashada ka hor intaan natiijada kama dambeysta ah la shaacin.

Madaxweynaha Gambia Yahya Jammeh oo talada dalkaas hayay tan iyo sannadkii 1994-kii, ayaan isagu weli toos uga hadal Natiijooyinka hordhaca ah ee sheegaya inuu ka codad yar yahay Hoggaamiyaha Mucaaradka Adama Barrow oo ah Hogaamiyaha Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka Gambia.

“Waa tallaabo guul ah haddii uu aqbalo Madaxweyne muddo dheer dalkan soo xukumayay in lagaga adkaaday doorashada.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Waddanka Gambia Alieu Momar.

Yahya Jammeh oo Awoodda kula wareegay Af-gambi, isla markaana hore u sheegay inuu dalka hoggaamin doono Boqollaalka sano ee soo socda haddii uu noolaado, isagoo ku dooday inuu waddanka ka soo saaray marxalad adag oo burbur iyo baabba’ ku dhawayd, isla markaana uu meel fiican gaadhsiiyey.

Hase-yeeshee, Toddoba Xisbi Mucaarad ayaa is-bahaystay, isla markaana si adag ugu ololeeyey Musharraxa ay wateen ee la tartamayey Madaxweynaha talada hayey. Waxaanay Dadweynuhu aad uga soo horjeedeen hoggaaminta Madaxweynaha talada muddada soo hayey.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa ka helay codadkii ugu badnaa magaalada xarunta ah ee Banjul oo awood uu ku leeyahay Jammeh. Boqollaal Shacab ah, ayaa isugu soo baxay magalooyinka waa-weyn ee dalka Gambia Khamiistii shalay oo ay doorashadu socotay, iyadoo Xukuumaddu jartay adeegga Internet-ka iyo sidoo kale Taleefannada dibedda.

Dalkaas galbeedka Afrika kuyaalla awooda si sahlan loolama kala wareegin tan iyo markii uu xornimada helay 1965-tii. Kooxaha Xuquuqda Aadamaha u dooda, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Jammeh inuu geystay tacaddiyo kala duwan. Waxaanu hore u sheegay inuu dawayn karo Xanuun-dhaliyaha HIV ee keena Cudurka AIDS-ka iyo dhalmo la’aanta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.