“Muusoow waxaad hayso Badka soo dhig, Maanta Ragga kula Ciyaarayaa waa Annagee..” Daawo Xirsi Cli Xaaji

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhawaan isaga iyo saaxiibbadiisii Isbahaysiga dimuquraadiyad–doonka la baxay ku biireen Xisbiga Waddani, ayaa khudbad dhinacyo kala duwan leh oo uu Maanta ka jeediyey furitaanka Shirka Golaha dhexe ee Waddani, farriimo hanjabaado ah u diray Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbigaas.

Waxa uu Xirsi oo farriin u diraya Muuse Biixi waxa uu sheegay inaan Madaxweyne lagu noqon SNM baan ahaa iyo dafiraadda wax qof qabtay oo la sheegto, Laaluush la bixiyo iyo reer hebelnimo toona, waxaanu u jeediyey wixii uu isla-hayaba Muuse in Miidaanka siyaasaddu furan yahay, wuxuu qaadana la arki doono.

Xirsi, ayaa sheegay inuu daawaday Masuuliyiinta Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye oo ku faanaya wax-qabadkii uu fuliyey markii uu Wasiirka ka ahaa Xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo. Haddaba, Khudbadda Xirsi Cali Xaaji Xasan ee Hanjabaadaha iyo Faanka huwan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.