Xirsi, Haddaad Madaxweynaha Somaliland Noqoto Maxaa Kuu Qorshaysan inaad Wax ka Qabato?

XIRSI CALI XAAJI XASAN IYO CALI-MAHDI JIBRIIL 2016

“Waxaan Mashquul Ku Ahay Oo Aan Ka Shaqaynayaa Inaan Wax Ka Wanaagsan Hoggaankii Jujuubka Ku Yimi Ummadda U Horseedo..”

“Ujeeddada Isbahaysigu waa inaannu dalkayga iyo dadkayaga ka baajinno guul-darro siyaasadeed oo ay dhaliso Hoggaamiye-xumo.. Wadahadallada UCID iyo WADDANI aannu kula jirnaana…”

“Maannaan kulmin Muuse iyo Colkiisa toona, cid uu ii soo diray iyo cid aannu kulannay oo ka wadahdalnay inaannu heshiinno midna ma jirto, aniguna xiise uma hayo..” Waraysi Xirsi Cali Xaaji Xasan

XIRSI CALI XAAJI XASAN IYO CALI-MAHDI JIBRIIL 2016
XIRSI CALI XAAJI XASAN IYO CALI-MAHDI JIBRIIL 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Isbahaysiga Dimuquraadiyad-doonka Xisbiga KULMIYE, ayaa markii u horreysay fasiray ujeeddada iyo hadafka Xubnaha Isbahaysigu doonayaan ama higsanayaan ee ay uga tageen xilalkii ay Xukuumadda ka hayeen ee iska casileen 27-ka bishii October 2015-kii, markii ay ka biyo-diideen qaabkii loo dooranayey Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ee KULMIYE.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka warramay wadahadallo u socda Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Kooxdooda Isbahaysiga la baxay oo badhkood Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE dib ugu laabteen iyo rejada uu ka qabo. Waxa uu sheegay Xirsi inaanay jirin wax wadahadal ah oo Muuse Biixi iyo KULMIYE oo uu weli ka tirsan yahay uu la yeeshay ama ay iyagu la soo yeedheen toona. Waxaanu intaas ku daray inuu ku mashquulsan yahay kana shaqaynayo sidii uu u beddeli lahaa Hoggaan Jujuub ku yimi.

Waxa uu Xirsi Cali Xaaji Xasan qodobbadaas iyo kuwo kale oo badanba kaga hadlay Waraysi uu siiyey Bulsho TV, waxaana ugu horreyn la weydiiyey halka ay ku dambeeyeen Siyaasiyiintii Isbahaysiga dimuquraadiyad-doonka KULMIYE la baxay, waxaanu yidhi; “Kooxdii Isbahaysigu waa sidiisii. Isbahaysigu aslan Xisbi maaha ee waa Xisbiga KULMIYE in ka mid ah, ama aan odhan karo badhkii ama badankoodu ay ahaayeen oo ku bohoobay inay garan waayeen aragtidii siyaasadeed ee xilligaa taallay ee loogu cumaamaday sida aan saxda ahayn Guddoomiyaha Xisbiga oo markaa Musharrax loogu cumaamadayey. Isbahaysigu Ashqaas kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba jooga, waa afkaar iyo aragti Siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin, qaar dawladda u shaqeeya, qaar gaar u shaqaysta, qaar Baayac-mushtar ah, qaar Saxaafad ah. Yacnii waa aragti siyaasadeed oo dad badani ku midaysan yahay, markaa ashqaastii hormuudka ka ahaa haddaad I weydiinayso dhammaantood way fiican yihiin, wanaag baan ku ogahay, way wada socdaan, runtii waa Koox saaxiibbaday ah oo aad iyo aad baan ugu kalsoonahay.”

Xirsi oo la weydiiyey waxa ka jira iyo sida uu u arko in Wasiiru-dawle loo magacaabay bishii hore Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo ka mid ahaa Xubnihii ay mar is-wada casileen dabayaaqada bishii October 2015-kii iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale dib uga noqdeen Isbahaysigooda, isla markaana la hadal-hayo inay KULMIYE iyo Xukuumadda dib ugu laabtaan Guddoomiye Ku-xigeennadii 2-aad iyo 3-aad ee KULMIYE Talyanle, Waabeeye iyo weliba Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis.

Waxaanu Xirsi su’aashaa kaga jawaabay; “Horta, Xukuumadda Col lama nihin, Mucaaradna kuma nihin, Xukuumaddu waa taannu ka shaqayn jirnay, waa Xukuumaddayadii, waa taannu annagu ka ahayn hoggaanka. Laakiin-se, waxaannu garan waynay oo Xukuumadda isla garan waynay waa Mustaqbalka Siyaasadeed ee Xisbiga, ayaannu isla fahmi waynay. Markaa, kuwa ku jira iyo kuwii annaga nala joogay iyo kuwo aannu isku fikir ahayn oo hore u joogay iyo ku nala fikir ah oo immika taga midna kama xumin. Nimankaa Saaxiibbaday ah ee aad Carrabka ku dhufatayna waa saaxiibbaday iyaga iyo qaar kale oo badani, wanaagna waannu ku kala maqannahay ee iskuma ogin wax dhibaato ah.”

Sidoo kale, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la weydiiyey wadahadallo ay kula jireen Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID iyo waxa ka soo baxay wadahadalladaas oo ka ugu badani ka dhexeeyey WADDANI, waxa uu ku jawaabay; “Xisbiyada waxaannu kula jirnay wadahadal, maaha WADDANI oo keliya ee labada Xisbi ee Mucaaradka ahba wadahadal baannu kula jirnay aannu isku weydiinayno mustaqbalka siyaasadda inaannu isla garan karno iyo inaannaan isla garan karin, Guddi baannu u saarnay, wax caadiya ayey ahayd ee maaha wax qarsoodi ah, haddii wax ka soo baxaanna si caadi ah baa loo shaacinayaa. Markaa, illaa hadda go’aan ka soo baxay ma jiro, laakiin waxa jira in muddo la wadahadlayey, immikana wadahadalku dib u bilaabmay oo kulammadi bilaabmayaan, taasuun baa laga yaabaa inay dadka qaar u fasirteen inay hawshu dhammaatay, ee hawshu may dhammaan. Waxaan-se rejaynayaa in isfaham iyo is-afgarad ka soo bixi doono oo ay Somaliland-na u noqon doonto guul iyo aragti siyaasi ah oo si fiican loogu midoobo.”

“UCID iyo WADDANI-ba waannu kula jirnay wadahadalka, labadoodaba wadahadalku sidii buu u jiraa, UCID labadooda Garab-ba waannu sugaynay oo waa kuwan Maxkamadda ku wada-jiray, labadooda Garab-ba waannu aragnay, intaan Iglan qabtay qaarkood baa UCID ii yimi oo aannu is-aragnay inaannu wadahadalkii sii wadno, dabadeed qaar baa ii yimi oo aannu is-aragnay, qaar baa Asxaabtayada kale Guddiyadii ay is-arkeen, WADDANI sidaa si leeg, rejo fiicanna waxaan ka qabaa inaannu gaadhi doonno heshiis loo dhan yahay oo maalin cad la galo oo aan qarsoodi ahayn oo aragti siyaasadeed oo fiican muujiya Insha ALLAAH.” Sidaa ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Xirsi oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in waxa wadahadallada ay Xisbiyada la galeen u daba-dheeraadeen yihiin inay rabaan Kuraasta sarsare ee hoggaaminta Xisbiyada, waxa uu yidhi; “Qastigayagu Kuraas maaha. Waxaannu ka nimi oo aannu bannaynay Kuraas aannu ku fadhinay, haddaannu Kuraas xiiso u qabnana waxaannu fadhiyi lahayn kuwayagii. Ujeeddadayadu waa in afkaartayada iyo aragtida siyaasadeed ee aannu qabnay ee aannu saaxiibbada ku ahayn ee ku wada soconnay ee in badan bulshada ka mid ahina nagu taageeraysay waa inaannu meel marinno. Markaa, gorgortanka siyaasadda waa ka mid in jagooyinka la is-weydiiyo, in wax la wada-yeesho oo illaa iyo Musharraxa dee Ragga qaar baa Musharrixiin ahaa oo marayey, qaar baa Guddoomiyeyaal doonayey, qaar baa xilal kale doonayey, qaarba waxbay doonayeen. Iyaga laftooda waxa laga yaabaa qof wax lalama doonayo ee hadba qofkii ku habboon in la meel-mariyo oo waa koox isku kalsoon, inay ku tartamaanna waa dimuquraadi oo ceeb maaha iyana haddii jagooyin yimaaddaan. Laakiin, immika qastigayagu ma ahayn Kuraasta iyo gorgortankoodee, waxa uu ahaa in ujeeddada siyaasiga ah iyo aragtidii aannu wadannay ka xaqiijin karno meesha aannu tegayno inaannu ogaanno. Markaannu, taa xaqiijinno waxa weeye afkaartayadii ma ku biirin karnaa? Dhismaha Maamulka maka qaybgeli karnaa? Wax maka beddeli karnaa? Wax ma ku darsan karnaa? Waxayagu ma socon karaan oo aan u sidii u afduubnayn aannu tii hore uga tagnay? Markaannu taa ku qanacno ayey waxa la qaadayo iyo hunguriga iyo hebel wax sii timaaddaa, laakiin Hungurigu ma soo horreeyo.”

Mar Xirsi la weydiiyey in Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ay Musharraxnimadiisu khilaafkii iscasilaaddooda keenay sababtay illaa hadda uu wax wadahadal ah la soo sameeyey ama ay kulmeen, maaddaama oo uu Muuse ballan-qaaday markii Musharraxa loo doortay inuu la hadli doono Maxamed Biixi iyo Cabdicasiis Samaale oo ay Xirsi isku Koox ahaayeen, waxa uu kaga jawaabay; “Maannaan kulmin Muuse iyo Colkiisa toona, cid uu ii soo diray iyo cid aannu kulannay oo ka wadahdalnay inaannu heshiinno midna ma jirto, aniguna xiise uma hayo oo waaban ka tegay. Iyagana cid ii timi oo iga codsatay oo I daba-taagani oo aan leeyahay qoladaas buu wadahadal noo socdaa ma jrito, aniguna haddaan xiiseynayo waan joogi lahaa oo waan tegi lahaa, welina KULMIYE ayaan ka tirsanahayoo KULMIYE Kamaan tegina waan la heshiin lahaa haddaan doonayo inaan la heshiiyo. Laakiin, waxaan mashquul ku ahay oo aan ka shaqaynayaa inaan wax ka wanaagsan hoggaankii Jujuubka ku yimi ummadda u horseedo oo ka shaqeeyo, oo sidaan u beddeli lahaa falawgeed qabto.”

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la weydiiyey ujeeddada iyo rabitaanka Siyaasiyiinta Isbahaysugu waxa ay tahay, waxa uu yidhi; “Ujeeddada Isbahaysigu waa inaannu runtii dalkayga iyo dadkayaga ka baajinno guul-darro siyaasadeed oo ay dhaliso ama ka yimaaddo Hoggaamiye-xumo ama hoggaan-xumo. Waxaannu rabnaa inaannu dalkayga iyo dadkayaga u horseedno wax ay ku midaysan yihiin, hoggaan fiican oo ummadda badbaadin kara oo ummaddu ku soo hiloobi karto, oo aan dhibaato iyo rabshad u geysan oo loo dhan yahay, oo talada lala wadaagi karo oo aan jujuub ku meel-marinayn.”

Waxaa kale oo Xirsi la weydiiyey haddii uu Madaxweyne noqdo waxyaabaha ugu horreeya ee uu wax ka qaban lahaa ee hadda u muuqda, waxaanu ku jawaabay; “Illaahay ha inna gaadhsiiyo, waa waxaan maanta Miiska ii saarnaayn, laakiin haddii dadkaygu I qaddimo oo aan ku guulaysto inaan talada dalkayga imaaddo, sidii aan markii horeba u shaqayn jiray baan wakhti badan u shaqaynayaa. Waxaan xoogga saari lahaa tayeynta Tacliinta, dhammaystirka iyo adkaynta adeegyada bulshada, waxaan ka shaqayn lahaa horumarka dalka, dadka iyo diintaba, waxaanan meel marin lahaa in sharciga dalku shaqeeyo, waayo? Immika waxaan u arkaa inaynu weli iska macaammil ku shaqaynayno, inkastoon in badan Maamulka ka mid ahaa, haddana wax badan baa farsamo iyo macaammil iskaga socda, markaa waxaan isku dayi lahaa in sharcigu shaqeeyo. Waxaan isku deyi lahaa midnimada ummadda iyo wada-jirkooda iyo sidii loo samayn lahaa hoggaan fiican, dhalinyaradana loogu carbin lahaa jiil jiil beddela oo aqoon ku dhisan.”

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.