Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Halka uu Badda ka Siinayo Itoobiya

Hargeysa (aftahannews):- Kaddib shan bilood oo la is-weydiinayey halka uu noqonayo saldhigga milateri ee Itoobiya ay ka samaysanayso Badda Cas ee ay heshiiska kula gashay Somaliland, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hadda caddeeyey halka ay u istaagayaan Itoobiya ee ay u calaamadinayaan inay ka dhigato saldhigga.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu kaga hadlay heshiiska uu 1da bishii January la galay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, halka ay u calaamadinayaan, waxyaabaha uu usoo kordhinayo heshiiskani dalkiisa iyo hadal-haynta sheegaysa in Maraykanku uu kasoo horjeedo heshiiskaas oo uu iyadana ka jawaabay.

Madaxweyne Biixi oo la hadlayey wargeyska The Economist ayaa waxa uu ku sheegay in dalkiisu uu u halgamayo madax-bannaani sida uu sameeyey dal kasta oo qaaradda Afrika ah.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu ku dooday inSomaliland aanay ahayn dal ka go’aya dal kale, balse ay tahay waddan dib ula soo noqday madaxbannaanidiisa, waxaanu si kooban u yidhi: “Annagu ma nihin kuwo goosanaya.”

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey heshiiskii badda ee Somaliland ay la gashay Itoobiya bishii January, ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay inay hesho bad, si la mid ah sida ay Somaliland ugu baahan tahay inay hesho aqoonsi.

Biixi waxa uuu yidhi: “Iyagu, waxay u baahan yihiin bad, sida annaguba aanu ugu baahanahay aqoonsi. Diyaarna waanu u nahay hirgelinta heshiiska.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo la weydiiyey halka ay Itoobiya ka siinayaan saldhigga Badda, ayaa waxa uu sheegay inay u istaagi doonaan 20km oo ah inta u dhaxaysa Lughaya iyo Bullahaar, taas oo soo afjaraysa hadal-hayntii ahayd in Itoobiya ay saldhigga ka samaysan doonto Saylac.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa uu sidoo kale u jawaabay walaac ay muujinayaan xubno ka tirsan dawladda Maraykanka oo sheegay in khilaafka ka dhashay heshiiska badda ee u dhexeeya Somaliya iyo Itoobiya uu xagal-daacin karayo hawlgalka la-dagaallanka Al-shabaab.

Waxa uu Madaxweyne Biixi oo ka jawaabaya walaaca Maraykanku uu yidhi: “Waa Maxay sababta ay Maraykanku uga soo horjeedaan arrintan? Annaga wali nooma ay sharrixin.”