Maxay yihiin Maxaabiista ay is dhaafsadeen Iran iyo Sweden?

Iran & Sweden (aftahannews):- Dowladaha Iran iyo Sweden, ayaa Sabtidi shalay is-dhaafsaday Maxaabiis ay muddo sannado ah kala hayeen.

Sweden, ayaa sii deysay Sarkaal hore oo Irani ah oo lagu helay dembi ah inuu ku lug lahaa dil wadareed dhacay sannadihii 1980-meeyadii, halka ay Iran sii deysay laba qof oo Swedish ah oo halkaas ku xidhnaa.

Isdhaafsiga Maxaabiista, waxaa dhexdhexaadisay dowladda Cumaan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaas. Bayaanka, ayaa lagu xaqiijiyay in dedaalka Cummaarn uu keenay in labada dhinac ay ku heshiiyaan sii deynta dadka ay iska hayeen.

Cuman waxa kale oo sheegtay in Muwaaddiniinta la is-dhaafsaday laga soo kala wareejiyay Tehran iyo Stockholm.

Sweden, ayaa sii daayay Haamid Nuuri, oo lagu helay dambi ah inuu qayb ka ahaa dil wadareed oo lagu fuliyay maxaabiista siyaasadda ee Iran sanadkii 1988.

Wakaaladda wararka ee Iran, ayaa baahisay muuqaalka Noury oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Mehrabad ee Tehran halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qoyskiisa roog cas, gelinkii danbe ee shalay.

Dhinaca kale, Muwaaddiniinta Swedishka ah ee kala ah Johan Floderus iyo Saciid Caziizi, oo ku xidhnaa Iran, ayaa la sii daayay, waxaana dib loogu celiyay Sweden oo ay soo gaadheen gelinkii dambe ee Sabtidii.