Askar ka tirsan Ciidammada Isra’il oo lagu Dilay Gaza

Gaza (aftahannews):- Sideed ka mid ah Ciidammada Israil, ayaa Sabtidi shalay lagu dilay koofurta Marinka Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay millatariga Isra’il, xilli ay ciidanka Isra’il wali ku sii siqayaan gudaha iyo hareeraha magaalada koofureed ee Rafax.

Milatariga Isra’il waxay sheegeen in dhammaan askarta la dilay oo ka wada tirsanaa cutubka injinneeriyada, uu baar ay la socdeen oo ahaa kuwa gaashaaman laagu dhuftay walxaha qarxa.

Waxay kale oo sheegeen, in weerarka uu ka dhacay aagga Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafax aroortii hore ee shalay.

Garabka hubeysan ee Xamaas, ayaa sheegtay in gaariga ay la socdeen ciidamada Isra’il ay u dhigeen miino lagu diyaariyay aaggaasi.

Taangiyda Isra’il, ayaa kusii siqay xaafadda Tel al-Sultan, isla markaana madaafiic ku garaacay aagga xeebta halkaas oo ay u qaxeen kumannaan qoys oo Falastiiniyiin ah.

Dhanka kale duqeymo ay Ciidammada Israil ku bartilmaameedsadeen koofurta Gaza, ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 19 Falastiiniyiin ah.