Madaxweyne Biixi oo Qaabbilay Diyaaradihii ugu horreeyey ee Somaliland yeelanayso iyo Ujeedka Shaqadooda

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ku qaabbilay diyaarado dalku yeelanayo oo noqonaya kuwii ugu horreeyey ee Duuliyeyaal iyo Farsamoyaqaanno reer Somaliland ah lagu tabobbari doono.

Madaxweyne Biixi waxa uu kormeeray Madaarka Hargeysa, Talisyada Ciidammada Millateriga iyo Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa. Diyaaradaha Hargeysa la keenay, shaqada ay qaban doonaan iyo kormeerkaba, waxa lagaga warramay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxaanu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay Madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, Taliska Guud ee ciidanka Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

Ugu horayn Madaxwweynaha Qaranku waxa uu kormeeray diyaarado cusub oo markii u horaysay uu yeelan doono Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah oo u soo baxa dalka, muddo laba sanno ahna qaadan doona casharada la xidhiidha cillad bixinta iyo duulimaadyada diyaaradaha oo ay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland u diyaarisay, si loo helo muwaadiniin aqoon dheeraada u leh arrimaha duulimaadyada, kana soo qalinjebiya Dugsiga Barashada Duulimaadyada (Civil Aviation Institute) oo ay dhigi doonaan macalimiin ajaanib ah oo aqoon u leh xirfadaas, madaama Madaxweynaha qaranku uu qorshaynayo sidii looga midho dhalin lahaa hirgelinta iyo aas-aaska shirkada Diyaaraha ee Somaliland Airline mustaqbalka dhaw.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kormeeray taawarka laga hago diyaaradaha kala duwan ee isticmaalaya hawada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu madaxweynuhu warbiximo ka dhegeystay maareeye ku xigeenka Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, mudane Sharmaake Ismaaciil Idiris iyo hawl-wadeenada maddaalayaasha ah ee habeen iyo maalin ku hawlan shaqada qaranka ee dhinaca hawada, Iyagoo Madaxweynaha tusay shaqada ay hayaan baaxadeeda iyo sida ay u kala hagaan una kala badbaadiyaan diyaaradahaa, siyaana adeegyo badan oo ay u baahan yihiin, Iyadoo amaro qaldana laga siiyo Muqdisho balse ay diyaaruhu iska diidaan raacaana amarka saxda ah ee ay bixiyaan madaama la isticmaalayo hawada Somaliland.

Ugu danbayn Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxaana halkaa ku soo dhaweeyey taliyaha Ciidanka Qaranka, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil kala duwan, halka Taliyaha Ciidanka Boolisa Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo hoggaanka dhismuhu ay ku soo dhaweyeen madaxweynaha Dhismayaal ka socda Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyada Somaliland.