Somaliland: Guddiga Doorashooyinka oo Digniin u Diray Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (aftahannews):- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa digniintii ugu horreysay u diray Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay farogelin ku hayaan shaqada Komishanka Doorashooyinka oo ay arrimo olole uga faa’iidaysanayaan.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo ay weheliyaan xubnaha Guddigu, ayaa sheegay inay tallaabo sharci ka qaadi doonaan cid kasta oo Sharciga iyo xeerarka doorashooyinka ku Gefta, waxaanu si gaar ah digniin ugu diray Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf oo arrintan ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Koomiishanka doorashoooyinka Qaranku waxa uu digniin u dirayaa Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, oo caadaystay in ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka si siyaasadaysan, oo baalmarsan qawaaniinta iyo shuruucda doorashooyinka.”

“Taas oo farogelin ku ah shaqada iyo madaxbannaanida Komishanka doorashooyinka Qaranka, waxaannu si gaar ah digniin ugu diraynaa Wasiirrada iyo Madaxda Xisbiga Kulmiye oo mudooyinkii u dambeeyay olole siyaasadeed ka dhigtay shaqada Komishanka doorashooyinka Qaranku gacanta ku hayaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Guddoomiye Muuse, waxa uu ugu baaqay Saamilayda doorashooyinka Somaliland inay sharciga iyo nidaamka ay ilaaliyaan

Digniintan Komishanka, ayaa ah digniintii ugu horreysay ee khusaysa shaqadooda iyo hawlaha doorashooyinka ee ay Guddigani diraan. Iyaga oo dhawaanahan uun gudagalay diyaargarawga doorashooyinka isa saaran ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada oo loo muddeeyey inay qabsoonto 13ka November sannadkan 2024-ka.

Taas oo noqon doonta doorashadii ugu horreysay ee ay qabtaan Guddiga doorashooyinka ee hadda jooga Xafiiska. Sidoo kalena noqon doonta doorashooyinkii ugu horreysay ee noocooda ah ee Somaliland ka qabsooma hal maalin. Iyadoo aan hore hal mar loo wado qaban doorashooyin lagu dooranayo Madaxweyne, Ku-xigeen iyo Xisbiyo ee mid kasta iskeed loo qaban jiray.