Maxaa Sababay in Diyaaradaha Kenyan Airways Diidaan Fadhiisiga Madaarka Muqdisho?

Muqdisho (aftahannews):- Maalimihii u danbeeyey waxaa warbaahintu guduhu tabinaysay in duullimaadyo ka mid ah kuwa shirkadda Kenya Airways ay dib uga laabteen safarkoodii ay ku tegi lahaayeen gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde International, ee magaalada Muqdisho.

Arrintan, ayaa keentay in la isla dhexmaro warar kala duwan oo baraha bulshada lagu faafiyey sababaha keenayey baaqashada diyaaradda.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport

Haddaba si BBC-du wax uga ogaato waxa keenay arrintan ayaannu la xidhiidhnay Maareyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan.

Maareeye Axmed ayaa ku sababeeyey in hawsha baaqashada diyaaradda ay tahay “sabab cimillo”

Diyaaradaha ka baaqday garoonka ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen laba diyaaradood oo kala ahaa mid rakaab ah iyo mid xamuul ahayd.

Diyaaradahan ayaa tagay magaalada Muqdisho, balse ka noqday halkaas. “Diyaaradahan ayay ku adkaatay in ay cago dhigtaan garoonka Muqdisho sababo la xiriira dabaysha xagga danbe kaga dhacaysa ee dhanka badda ka imanaysa, waa ayna diideen in ay ka soo degaan dhanka magaalada, marka dabayshu jirto. Markaa hawshani waa wax la xidhiidha cimillada.” ayuu Axmed Macallin u sheegay BBC-da.

Axmed Macallin ayaa intaa ku daray, in diyaaradaha kale ay ka degayeen maalmahaas garoonka, maadaama shirkadahoodu ay muddo dheer ka shaqaynayeen Muqdisho isla mar ahaantaana ay la qabsadeen is beddelka cimillada, waana wax ay soo wada mareen.

“Diyaaraha kale way ku dhacday, tusaale diyaaradda Turkish Airline way ku dhacday dhacdadan oo kale, madaxdoodaa noo timi, waanu ka wada hadalnay, waxaana u sharraxnay sida dabaysha Muqdisho sannadkii isu beddesho, waaxana ay oggolaadeen in diyaaradoodu aanay dhanka badda ka soo degin ee dhanka magaalada ka soo degaan” ayuu yidhi Axmed.

Diyaaradda Kenya ayaa bilihii u danbeeyey bilawday duullimaadkeeda Muqdisho. Waxaana Madaxda Haayadda Duullimaadyada Rayidka Soomaalya aya qabaan in hawshan la xallin doono, maadaamma diyaaraddan ay duulimaadyadeedu cusubyihiin.

Diyaaradaha ka degaya garoonka Aadan Cadde, waxa ay soo maraan laba jid ka hor degitaankooda, mid dhanka Badda ah iyo mid dhanka magaalada ah ee dhismayaasha.

Diyaaradaha ayaana amni ahaan badanaa doorbida jidka xiga dhanka badda. “Diyaaraduhu waxay jecel yihiin dhinaca badda oo furan toosna ah, wax dhisme ah oo ateeno ah oo taagan aanu jirin, iyo badda biyaheeda oo haddii diyaaradu dhacdo caawinaya, markaa faa’iidooyinkaas darted ayay u jecel yihiin dhinacaas” ayuu yiri Axmed Macallin, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Shirkadda Kenya airways ayaa bixisa diyaaradaha iyo shaqaalaha fulin doona duullimaadyadeeda Kenya Airways ee Muqdisho.

Kumannaan qof oo Soomaali ah ayaa ku nool Kenya, in badan oo ka mid ahna waxay si joogto ah isaga kala gooshaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Shirkadda Kenya Airwayd oo ah shirkad ay leedahay dawladda Kenya ayaa ka mid ah sirkadaha sameeya duullimaadyada Soomaaliya.

Diyaaradaha Turkish Airlines, Qatar Airlines, Fly Dubai iyo Ethiopian Airliways ayaa ka saqeeya oo si maalinleiyo toddobaadle ah uga dega garoonka Aadan Cadde, halka dhanka kale ay jiraan shirkado kale oo tiro ah oo sameeya duullimaadyada gudaha ah.

Xigasho BBCSomali.com.