Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo Fasaxday Agaasimeyaal hore Xabsi loogu Xukumay

Muqdisho (aftahannews):- Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, ayaa maanta dib ugu soo celisay xorriyaddooda laba Agaasime Agaasime oo hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulsha kadib markii ay laashay dacwaddii musuqmaasuq ee loo haystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Siciid Cali Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in aanay wax dembi ah ku helin Agaasimeyaashii hore ee Wasaaradda, C/laahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar, isagoo ku amray hay’adaha ay khusayso in la sii daayo oo xorriyadooda dib loogu celiyo.Dhanka kale Waxa ay Maxkamadda ku xukuntay C/waaxid Muxsin Ibraahim oo maqane ah saddex sano oo xarig ah.

Raggan, ayaa xabsiga ku jiray labadii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii lagusoo eedeeyay in arrimo la xiriira musuq-maasuq ay ka sameeyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.