Pakistan: Raysal-wasaarihii hore oo Maxkamadda Sare ka jabisay 10 Sano oo lagu Xukumay

Islamabad (aftahannews):- Maxkamadda sare ee Islamabad, ayaa laashay xukun lagu riday Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo wasiirkiisii arrimaha dibedda, Shah Mahmood Qureshi, ka dib markii hore loogu xukumay kiis la xiriira in si khaldan loo maamulay sirtii qaranka.

Hadal kooban oo ay soo saartay maxkamadda sare oo ay goobjoog ka ahayd VOA ayaa laba xubnood oo ka tirsan garsoorka maxkamadda sare, waxay ku dhawaaqeen in ra’iisal wasaaraha hore iyo wasiirkiisii arrimaha debedda lagu waayay kiiskii ay hore ugu xukuntay maxkamadda hoose, iyaga oo aqbalay racfaanka ay ka qaateen xukunnada hore ugu dhacay.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa ku soo beegmaya, ka dib markii bishii January ay maxkamadda hoose ay ku xukuntay labadan masuul, min toban sannadood oo xadhig ah, ka dib markii ay maxkamadda hoose ku heshay inay si cad u shaaciyeen nuxurka xogo sir ah oo diblomaasiyadeed.

Labadan masuul ayaa ku dooday in eedaha loosoo jeediyey ay yihiin kuwo been abuur ah iyo wanjal siyaasadeed, oo aan caddaalad ku dhisnayn.

Inkasta oo maxkamadda sare ay go’aankan soo saartay, haddana weli lama filayo in xabsiga laga sii daayo, iyaga oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii August ee sannadkii hore.

Xigasho VOA.