Itoobbiya oo Shaacisay in la Dhaqangelinayo Heshiiska Badda ee ay Somaliland la gashay

Addis Ababa (aftahannews):- Dawladda Itoobiya,  ayaa shaacisay in si degdeg ah loo hirgelinayo heshiiska isfaham ee ay la gashay Somaliland horraantii sannadkan oo dhigayey, in ay hesho marin Badda Cas ah. 

Kalfadhiggii 30aad ee joogtada ahaa ee sannad-miisaaniyadeedka 2016 tirsiga taariikhda Itoobiya, waxa maanta hor yimid wasiirka gaadiidka iyo Saadka Dr Elemu Sime oo horkeenay warbixinta waxqabadka wasaaraddiisa sagaalkii bilood ee ugu horreeyey sannadkan ‘waa tirsiga taariikhda Itoobiya e’, ayaa waxa uu ka sheegay in ay si degdeg ah u hirgelinayaan heshiiskii ay dawladdiisu la gaadhay Somaliland.

Wasiirka ayaa warbixinta uu u jeediyey Golaha Baarlamaanka waxa uu si aad ah ugu dul-istaagay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, waxaanu yidhi; “Waddankeennu waxa uu heshiis isafaham ah la gaadhay Somaliland, waxaana saxeexay ra’iisal wasaaraheenna.”

“Heshiiskani waxa uu xaqiijinayaa rabitaanka Itoobiya ee marinnada badda, in aynu ballaadhinno marinnada badeedna waxay isbeddel aasaasi ah ku keenaysaa koboca dhinaca saadka, waxayna furi doontaa bog cusub oo iskaashi, taas oo muhiimad weyn u leh isku xidhka gobolka Geeska Afrika.” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka ee Ethiopia.

Wasiir Alemu Sime, ayaa hore booqashooyin ugu tegay Dekedka Berbera ee Somaliland oo Itoobiya Badeecadaheeda 3%-kiiba ay kala soo degto, dhawaanna sheegtay inay kordhinayso adeegsigeeda, muu caddaynin waqtiga rasmiga ah ee la dhaqangelinayo heshiiskii ay Itoobiya la gaadhay Somaliland, hase yeeshee waxa uu xusay in marin badeed oo ay helaan ay muhiim u tahay dalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhowaan waraysi uu siiyey wargeyska Financial Times ee kasoo baxa waddanka Maraykanka waxa uu ku sheegay in dhowaan uu hirgeli doono heshiiska ay la gaadheen Itoobiya 1dii bishii January ee sannadkan, kaas oo ay si weyn uga soo horjeedsatay Somaliya, isla markaana sababay inuu xumaado xidhiidhka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliya.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Machadka Arrimaha Dibedda Itoobiya uu martigeliyay wada-hadalladii 2-aad ee Badda Cas, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, hal ku dhiggiisuna uu ahaa ‘Baahida Iskaashi Goboleed ee Badda Cas.’

Madaxa fulinta Machadka arrimaha dibedda Itoobiya Jacfar Bedru oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka hadlay muhiimada ay Itoobiya u leedahay gobolka Bada Cas, waxaanu sheegay in Itoobiya aanay marnaba ka tanaasuli doonin doonisteeda Badda Cas.

“Itoobiya iyo badda cas waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah. Itoobiya waligeed waxay halgan taariikhihi ah ugu jirtay badda cas, waana arrin ku xiran jiritaankeeda. Waddamada dariskeenna ah waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonisteenna badda cas.” ayuu yidhi Jacfar Bedru.

Jacfar Bedru oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku eedeeyay wax uu ugu yeedhay cadowga taariikhiga ah ee Itoobiya inay maleegayeen sidii Itoobiya looga saari lahaa wadahadallada arrimaha Badda Cas.