Wiil Hooyadii Dilay oo Xukunka ka hor u Geeriyooday Jug gaadhay

Wajeer (aftahannews):- Wiil Hooyadii baange madaxa kaga jaray oo magaalada Wajeer ee Waqooyi-bari Kenya, ayaa isna Cusbitaal ku geeriyooday, toddobaad ka dib markii uu Hooyadii dilay.

Toddobaad ka hor waxaa magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooi Bari ka dhacay dil naxdin lahaa oo nin hooyadii uu baangad ku dilay, kaas oo isagiina la soo werinayo in uu ku dhintay cisbitaalka Wajeer oo la dhigay maalintii uu dilka geystay, kaddib markii isagana ay dad meesha ku ururay ay nabarro gaadhsiiyeen.

Ninkan ayaa maalinkii u dilka geystay ay dad badan ku soo yaaceen, kuwaas oo kolkii a dhacdada la kulmeen ninkiina iyagu ay u gacan qaaday ka hor inta aanay boolisku ka soo gaadhin oo goobtii ka kaxayn.

Wiilkan oo dilka geystay xaafadda Cali Mocow, ayaa dhimashadiisu imanaysaa ka hor intii aanu bilaaban kiiska ku aadan dilka hooyadii.

Cabdifataax Maxamed ayay masuliyiintu sheegeen in jugtii falkaa kaga dhacday ay dhimashadiisu keentay.

Cisbtaalka Wajeer ee Wajeer Referral Hospital, oo ah goobta uu ku dhintay ayaa maamulkiisu noo sheegeen in sababta dhimashadiisu tahay ”dhiig maskaxda kaga furmay” sida uu yidhi agaasime Rooble Xasan.

Gudoomiyaha xaafadda Cali Macow ee ismaamulka Wajer Maxamed Xasan oo dhacdadii horena ogaa tan danbena BBC-da uga warramay ayaa noo sheegay in dhaawacyo ka muuqdeen markii hore ee dilku geystay ka hor intii aan cibitaalka la geyn.

”Bulshadii ayaa nabarro gaadhsiisay meeshii booliska ayaa imaaday, cisbitaalka weyn ee Wajeer ayaa la jiifiyey halkaas oo dhowr beri uu joogay kaddibna uu ku geeriyooday” ayuu Maxamed Xasa u Sheegay BBC-da.

Ninkan ayaa dhintay Axaddii, sida maamulka Cisbitaalka Wajeer u sheegeen BBC-da.

Ninkan ayaa la sheegay in hooyadii hubkii uu isticmaalay uu ahaa baangad, taas oo uu “qoorta kaga gooyey” sida ay boolisku kaga warrameen sida wax u dhaceen.

Gudoomiyaha xaafadda Cali Macow ee uu falkani ka dhacay ayaa isna BBC-da u sheegay in halka falku uu ka gaystay ninkaan ay ahayd guriga hooyadii.

Illaa hadda lama xaqiijin sababta uu dilka hooyadii u geystay.

Guddoomiyaha xaafadda dilku ka dhacay se waxaa uu sheegay in “dadku sheegeen in uu muran dhanka lacagta ah dhex maray hooyada iyo wiilkeeda. Isaga oo wiilka dilka geystay uu doonayey inuu tahriibo”.

Ninkan ayaa sida la sheegay horey uga soo baxay xabsiga oo muddo uu ku jiray.

“Waxa uu geystay dilal dhowr ah sannadihii la soo dhaafay, waxaana laga sii daayay xabsiga,” ayuu warbaahinta gudaha u sheegay taliyaha booliiska.

“Soo bixitaankiisii hore dadkii dhaawacyada uu geystay ayaan sii daba gelin, sida oo kalena hooyada dhashay ayaa u ololaynaysay in la soo daayo” ayuu Guddoomiye Maxamed Xasan BBC-da u sheegay.

Booliiska ayaa dhanka kalena sheegay in weli kiiska baadhis ku socoto oo natiijada kama danbaysta ah ay dib ka baahin doonaan.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay markii ay qabanayeen uu isaga laftiisu ku sigtay in goobta lagu dilo illaa boolisku ka soo gaadheen oo meeshii ka kaxeeyeen, taas oo markii danbena u dhintay jugtii soo gaadhay.

Dad aad u badan oo ka cadhaysnaa falka uu ka kacay ayaana la sheegay in ay isugu soo baxeen goobtii wax ka dhaceen, kolkii uu dhacay dilka hooyadii.

Maydka hooyada dhimatay ayaa la geeyey xilligaas cisbitaalka Wajeer.

Xilli isagana booliisku daaweyn ahaan u geeyeen isla cisbitaalkaas oo markii dabe ku dhex geeriyooday.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ah kuwo ku cusub deegaanka Waqooyi-bari Kenya.

Xigasho BBCSomali.com.