Dowlad Dalkeeda ka Mamnuucday in Israa’iiliyiintu tagaan

Male (aftahannews):- Dalka Badweynta Hindiya ku yaalla ee Maldives, ayaa Israa’iiliyiinta ka mamnuuci doona goobtan aadka loogu dalxiiska tago ee dalkaas, si loo garab istaago Shacabka Falastiin ee Israa’iil duqaymaha ku xasuuqayso.

Waxa sidaas sheegay Xafiiska Madaxweynaha. Maldives, oo ah jamhuuriyad yar oo Islaami ah oo ka kooba in ka badan 1,000 jasiirado istaraatiji ah, waxay caan ku tahay xeebaheeda quruxda badan.

Madaxweyne Mohamed Muizzu “wuxuu go’aansaday inuu mamnuuco baasaboorka Israa’iil,” ayuu afhayeen u hadlay xafiiskiisa ku sheegay bayaan uu soo saaray, isagoo aan faah-faahin ka bixin xilliga sharciga cusub uu dhaqan geli doono.

Muizzu ayaa sidoo kale ku dhawaaqay olole lacag uruurin ah oo heer qaran ah oo loogu magac daray “Garab istaagga dadka Maldivian-ka ee Falastiin”.

Maldives ayaa horraantii sagaashamaadkii ka qaaday mamnuuciddii hore ee dalxiisayaasha Israa’iil, waxaanay u dhaqaaqday inay dib u soo celiso xiriirka kala dhaxeeya 2010-kii.

Hase yeehsee, xiriirka ayaa burburay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Mohamed Nasheed bishii Febraayo ee 2012.
Xisbiyada mucaaradka iyo xulafada dowladda ee Maldives ayaa cadaadis ku saarayay Muizzu inuu mamnuuco Israa’iiliyiinta, si loogu muujiyo in laga soo horjeedo dagaalka Gaza.

Xogta rasmiga ah ee dowladda ayaa muujisay in tirada Israa’iiliyiinta ee booqanaya Maldives ay hoos ugu dhacday 528 afartii bilood ee ugu horreysay sanadkan, taasi oo ah hoos u dhac 88 boqolkiiba marka loo eego isla xilligan oo kale sanad ka hor.

Isaga oo ka jawaabaya xannibaaddan, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa ku boorriyay muwaadiniinta inay ka fogaadaan u safridda Maldives.

“Muwaadiniinta Israa’iil ee sii jooga dalka, waxaa lagula talinayaa inay ka fakaraan inay baxaan, maadaama haddii ay dhibaato ku dhacaan sabab kasta, ay nagu adkaan doonto inaan caawinno,” ayuu yiri afhayeenka.

Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii 7-dii October ay Xamas weerar culus ku qaadeen Israa’iil, kaasi oo lagu dilay 1,189 qof. Xamaz ayaa sidoo kale qafaashay 251 qof oo 37 ka mid ah ay dhinteen, sida ay sheegeen ciidmada Israel.

Weeraro aargoosi ah oo tan iyo markaas ay ciidamada Israa’iil ka wadeen Gaza ayaa waxa ay ku dileen 36,439 oo badankood shacab ah, halka Dad boqol kun ku dhawina ay ku dhaawacmeen.