Haddii Quruxda La isku Khilaafsanaa Hadda Waa La Isku Raacay

Haddii uu wajiaagu buuxiyo cabirka dhexdhexaadka ah ayaa waxa aad tahay gabadh qurux badan oo wadata muuqaalka quruxda rasmiga ah ee hablaha.
qurux1

Waxa halqabsi ah oo la yidhaa in quruxda qofba si u arko laakiin taasi ay hada meesha waa ay ka baxday markiii baadhitaan lagu ogaaday quruxda dhabta ah ee ay gabadhi leedahay. Quruxda ay gabadhi leedahay ayaa waxa ay ku xidhan tahay cabirka u dhexeeya labadeeda indhood iyo indhaha iyo afkeeda.

Natiijada baadhitaankan ku soo baxday jariidada aqoonta ee Vision Research ayaa waxa ka soo wada shaqeeyay jaamacadaha SanDiego, Kalifornia iyo Toronto.

Baadhitaankii
Waxa laga codsaday dad badan oo ka qayb galay baadhitaanka in ay qiimeeyaan quruxda sawiro dumar oo la tusay. Dhamaan sawiradaas dumarka kala duwan ee ay arkeen ayaa waxa ay ahaayeen sawir laga qaaday hal gabadh. Sababtuna waxa ay ahayd  ayadoo la bedbedalaayay cabirka u dhexeeaya labadeeda indhood iyo indhaha iyo afkeeda.

Quruxda ay doorteen
Sawrikii ugu badnaa ee ay doorteen ayaa waxa lagu ogaaday in cabirka u dhexeeya labada indhood dhexdoodu uu qiyaas ahaan ka yahay 46% qiyaasta balaca wajiga. Cabirka indhaha iyo afka inta u dhexaysaana uu ka yahay 36% qiyaasta dhererka wajiga. Daily Mail -na waxa ay wariysay in cabirkana ay leeyihiin xidigaha Liz Huleys iyo Shaia Twain.
Waxa nasiib wanaag ah in inta badan haweenku guud ahaan ay leeyihiin celcelis ahaan cabirkaa aan kor ku soo sheegnay ee ah 46% iyo 36%. Taas oo ka dhigaysa hablo badan kuwo qurux badan. Markaa hadii cabirka wajigaagu leeyahay qiyaastaa waxa aad ka mid tahay dumarka quruxda badan.

Timaha iyo qiyaasta wajiga
Cabiraadan aayaa waxa ay sabab u noqonaysaa in gabadh qurux badnayd ay  fool xumaato ama mid fool xumayd ay qurux badnaato marka ay timaha jarato. Timajarida ayaa waxa ay badalaysaa aragtida indhuhu ka qiyaas qaadanayaan wajiga, waa sida uu hadalka u dhigaya caalimka Kang Lee ee waxa ka dhiga jaamacadii Torornto ee ka qayb gashay baadhitaanka.

DHACDOOYINKA ADUUNKA:Wiil Yar Oo Ka Yar Da,da Qaangaadhka Oo Lagu Sheegay 12Jir Oo Bastoolad Ku Dilay Nin Hooyadii La Saaxiib Ahaa La yaab……..

Dhacdadani ayaa  ka dhacday Volokolamsk Highway, oo ka tirsan dalka Russia, kadib markii wiil 12 sano jir arday ah uu toogtay Nin saaxiib la ahaa Hooyada dhashay wiilka yar.

Muuqaal ay duubtay Kaamirada qarsoon nooca ICC ee lagu xidho goobaha Bulshadu ku badan tahay  ayaa waxay soo bandhigtay Muuqaalka wiilka yar oo tooganayo ninka hooyadiis saaxiibka la ahaa, iyadoo dhawaaqa bastoolada ay sameysay kusoo baxeen dad meesha ka dhawaa.

hooyada dhashay wiilkan yar ee dilay ninkii saaxiibka la ahaa ayaa

waxay sheegtay iney aad ugu xun tahay in wiilkeeda uu dilo Ninkii ay jecleyd, isla markaana wax laga naxo ay tahay.

Wiilka yar iyo Ninka Hooyadii Saaxiibka la ahaa ayaa waxay kasoo wada baxeen sida Kaamirada ay sheegayso meel Foto ah, kadibna dhowr tallaabo markii ay socdeen falkani ayaa geystay inanka  yar oo gacanta ku haayay bastoolada oo uu lahaa ninka la dilay.

Dhacdooyinka dunida nin indhoole ah oo hagaajinaya Computerada

dhacdooyinka dunida waxaa kamid ah nin shiinays ah oo indha la. ama indhool ah oo hagaajiya computerada arintaan oo ka yaabisay shucuubta ku nool daafaha dunida ayaa waxaa arinka ninka aad uhadal haya warbaahinta caalamka.

ninkan indhaha la’oo soo jiitay saxaafada caalamka ayaa waxuu udhashay dalka china waxaana lagu magacaabaa gua xujun.da,diisuna tahay 37 jir xujun mar uu dhiiri galinayay dadka iyo indhoola yaasha ayaa waxuu yidhi qofka indhaha la wax wuu qabsan karaa

iyo qofwalba oo go,aansada howsha uu qabanayo kadibna ku dhaqaaqa xujun oo ku shaqaysta xirfadiisa computero hagaajinta ayaa wuxuu sheegay in uu bartay cilmiga computer hagaajinta 10 sano ka hor isagoo leh macaamiil fiican