“LABA AAN LALA WADAAGIN” Abwaankii iskii xoriyadiisa u ceshaday isaga oo xidhan! Siciid Maxamuud Gaheyr (Hargeysaawi)

“LABA AAN LALA WADAAGIN” Abwaankii iskii xoriyadiisa u ceshaday isaga oo xidhan! Siciid Maxamuud Gaheyr (Hargeysaawi)

Sooroga jahawareersan dheh, murugo leh, cabsi iyo cidlo ah, ka gedisan Sabtiyo inna soo maray dheh, ku qor buuga taariikhda qeybtiisa xusuusta aan la hilmaamin, bogga ugu muhiimsan ee dadkaan jeclaa ee aan soo noqoyn adduunkana nabad galyeeyay, ku dhig far madow oo aan tirtirmin.

Waa sabti ullo badan, saakase waa ay soo xidhatay shaadh la yidhaa way kaa dhamaatay! Filanwaa ku qureeco, naftana u diid inay aaminto waxa ay maqashay, warku ma fiicna, fiicni daaye waa quus, ka quuso hebel. Eebe ka bari in ma jirto noqoto dhiiladu, waase dabciga nafta inay hore u liqi waydo waxay diido, qasabay ku dajin, waliba iyada oo aan la baryayn cidna waydiin.

Aaminay qadarta, ogaaday in wixii isdiid siin intaas ka badan tahay danbi iyo in arkaanu Iimaanka qodobkii lixaad ku dhawahay inaan buriyo. Astaqfurullaah Astaqfurullaah! alloow siddii khayr leh!. Subaxan waxaa baxay xaq u dirir, Abwaan, Qoraa, geesi, macalinkaygii sayniska iyo saaxiib walaal ii ahaa oo qoraalladiisa aan maskaxda ku quudin jiray. Waa maalintii ugu dambeysay dunida laga galbiyo qof kali ah balse naftaada u ahaa ugu yaraan toban qof, wuxuu ku noqday xirfado intaas oo qof aad ka raadsan lahayd ayaa alle siiyay oo ku kooban.

Ma dhinte waa alle, jooge waa eebe, isagaa awoodle kuna baaqi noqonaya adduunkan. Abwaan, macalin, qoraa, hiiliye, samafale iyo xaq u dirir Siciid Maxamed Gahayr (Hargeysaawi) geeridiisu waa mid gaar ii damaqday, waa mid bedeshay qorshihii maalinkan aan kusoo toosay, waydiimo aan jawaab lahayna igu dhalisay, waxaa saameynba leh murugta iyo boholyowga ka dhashay maqnaanshihiisa aan soo laabashada lahayn ee maanta u bilowday! Alle qabriga ha u nuuro marka hore, haka dhigo kuwa la jecelyahay, naxariista eebe haku galiyo mida u sareysa janooyinkiisa.

Eebe haku abaaliyo, gudbintii aan hagrashada baran, difaacii kuwa dulman ee ka madhnaa eexda, samafalkii aan istusnimada wadan, qalinkiisii badweynta dhigaalka, caqligii wax sheega toosnaa iyo geesimadii cabsidu ka madhnayd. Aamiin aamiin aamiin yaa allaah. maqalka geerida Macalin Hargeysaawi waxaa maankayga gaaban ka bixi waayay laba dhacdo oo wanaagiisa u yaraa ee uu sameeyay 33sano oo aduunkan joogay, waxay ku noqdeen mahadho, marwalba oo aan magaciisa ama sawirkiisa ku arko baraha bulshada maalmahaas iyo kulano aan wada qaadanay dib iigu celceliyay!

Macalin waa ii noqday mudo sanad ka badan, idinku daalin maayo se maalmahaas, waxaan isku dayi inaan ku xusuusiyo qofnimadii samafalaha maalmo xus lahaa oo soo maray. Shantii bishii March ee sanadkii 2022 ayaa lagu xidhay magaalada Hargeysa, wuxuu ku xidhnaa saldhiga dhexe, waxaa lagu eedeeyay nin uu qoraalo ka baahin jirin oo maxkamada kasoo dacweeyay, maxkamada ayaa waaranka booliisku kusoo qabtay bixisay, mudo 35 maalmood ah oo uu saldhiga ku xidhnaa, waxaa warbaahinta la hadlay ninkii ka cabanayay Siciid oo sheegay in uu ka baxsaday booliiskii.

Isla bartiisa facebook ayaa lagu soo baahiyay waa Macalin Hargeysaawiye in uu noqday “Maxbuuskii u horeeyay ee iskii ula soo noqday xoriyadiisa”, aadbuu dad badan oo la fikir ahaa warkan ugu riyaaqeen, in uu go’aan geesinimo leh qaatay ayaan ku hambalyeeyay! Isaguse wuxuu xoriyadiisa uu iskii ula noqday ku macneeyay inuu howl qabyo ka ah dhameystirkeeda u baxay dib uu ugu soo noqonayo magaalada Hargeysa oo maxbuus ka ahaa, Garoowena si sharciya kaga imanayo. cadaadis, ciqaab iyo xadhig ay la kulmeen askartii maalinka uu baxsaday ilaalintiisa ku qornayd la kulmeen oo loosoo sheegay waxaa uu kusoo noqday halkii uu ka baxsaday. maxkamada ayaa la geynayay marka uu baxsaday.

Soo noqoshada xabsiga iyo maxkamadaynta waxaa uu u sameeyay in uu badbaadiyo askasta loo haysto fakadkiisa, si aanay isaga u dhibaatoon ayaa xoriyadiisii uu isagu iskii u ceshaday dib ugu lumiyay in aan qof kale loogu maxkamadayn! yaab iyo waxaanan maqal in qof hore u sameeyay ayay ahayd, waala xukumay oo markii dambe heshiis labada dhinac ah ayaa lagu sii daayay.

Buurta kala jeexan oo Galbeed ka xigta Hargeysa ayaa beero dadkii lahaa iyo dowladu isku maandhaafeen, rasaasta ayaa dhacaysay, waala isku soo baxay, wuxuu ka qaybgalay banaanbixii, ciidanka ayaa isaga oo halkaas jooga gaar u bartilmaameedsaday kadibna cagiisa ayuu ku baxsaday allena kaga badbaadiyay goobta. af, qoraal, hadal, iyo aduunba qofkii awood loo adeegsanayo wuxuu ahaa mid ku garab istaaga. runta u sheega midka ay la noqoto inuu xaqdaro ku joogo, miskiinkana garab istaaga.

Way yartahay dhulkeena in qof la dulmiyay oo cid lacag, dowladnimo iyo awood loo adeegsanayo kuwa wax is biday ka hor yimaado oo miskiinka garab istaago, waa astaan iyo geesinimo u gaar ahaa. qabiil, eex iyo nacayb qofna kuma taageeri jirin midna kuma furin jirin xaqiiqda dhinacna kama noqon jirin. xadhigiisa iyo colaada u badan waxaa uu ku mutaystay in dadka aan codka lahayn uu garab u ahaa, waxaa uu ugu jiray dadkaasi kaalintii warbaahinta xorta ah, way tabi doonaan, xaq u dirirkoodiina dib u arki maayaan, alle ayaase mid kale ugu bedeli.

Intaas way ka bixi laayihiin maskaxdayda yar, sidoo kale wuxuu ahaa macalin maaddada sayniska dugsiyada sare ka dhiga, wuxuu ahaa abwaan gabayo badan leh xiiso waxaa aad iigu sameeya kuwa uu xabsiyadiisii kala duwanaa kaga hadlo, waa qoraaga ugu yaraan todoba buug oo af soomaali ku qoran, Samotalis, Astaantii Nabada, Xusuus qorkii xabsiga, miisaanka maansada, qur’aanka iyo sayniska, maan rag aragnaye maan dumar aan eegno iyo kuwa kale. aabaha wiil kaliya kaga tagay aduunka ayuu ahaa, waxaana uu muddo sanado ah la tacaalayay xanuunka macaanka(Sonkorta), marka la eego mudada 33 gu’ ee uu adduunka ku noolaa iyo saameynta, dhigaalka iyo waxtarka uu bulshada kaga tagay waxaa ay baaqi sii ahaan doonaan inta la noolyahay ee makhluuqu dunida joogo.

Maanta ayaa Toon lagu aasay Siciid Maxamuud Gahayr oo Hargeysa xalay ku geeriyooday, waxaan tabi doonaan, hadalkii naxariista lahaa ee uu kugula hadlayay, qoraalkii aan laga caajisayn ee xaqiiqda ahaa iyo difaacii kuwa laga awood badanyahay, eebe ha u naxariisto, samir iyo iimaan ha innaga siiyo. Aamiin aamiin.

W/Q Ilyaas Cabdi Cali
Soomaali Hargeysa ku nool.