Xisbiga UCID oo Cambaareeyey xadhigga HAATUF

Hargeysa(AFN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa si kulul u cambaareeyey falka ay xukuumaddu albaabada ugu soo xidhay Xaruntii Wargeyska Haatuf ee Magaalada Hargeysa, isla markaana waxay u digtey xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku xad-gudubka xoriyatul-qawlka iyo ku tumashada xuquuqda Saxaafadda ee soo noqnoqday.

UCID

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku saxeexnaa Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdillaahi oo uu xalay ka soo saaray magaalada Hargeysa, ayaa nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Aftahannews.com waxaa lagu sheegay in UCID ka xun yahay tallaabada ay Xukuumaddu Ciidammada hubaysan ee la wareegay ku geysay xarunta Wargeysyada Haatuf iyo Somalilandtimes ee Caasimadda Hargeysa.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka ee UCID waxaa uu si ba’an la soo koobi karin u Cambaareynayaa falkaa badheedhka,awood sheegashada,sharci-Jebinta iyo Indho la’aanta ah.isla markaana markhaatiga u ah In aan Xukuumada maanta talada dalka haysa Dastuurka Iyo Xeerarka dalka Midna aaney Ixtiraameyn Iyada Oo weliba adeeg saneysa ciidamadii loogu talagaley In cadawga iyo argagixisada ay ka hortagaan xisbiga UCID wuxuu aamin san-yahay falkaa lagula wareegay xarunta Wargeyska Haatuf In uu ka dhashey hantida Qaranka ee la musuq Maasuqey ee uu Wargeysku si muwaadinimo ah tooshka ugu Ifiyey Iyo dhaliilaha wax lagu toosinayo ee mucaaradka oo uu si fiican u qorayey

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa falkaa foosha xun ee baal marsan dhamaan Shuruucda Dalka Somaliland Oo Imika Xukuumada Talada Haysaa Caadeysatey,

Sida sharcigu sheegayana waxaa xukuumada looga baahnaa haddii ay dacwad u qabto Wargeyska, In Wargeyska Haatuf Oo Shaqeynaya Maxkamada looga yeedho Isla markaana sidaa dacwadoodu ku socoto ilaa Inta denbi kaga hor Cadaanayo Maxkamad sharciya

Sidaa Daraadeed waan In Xukuumadu si deg deg ah Ciidamada uga dulqaadaa xarunta Wargeyska Haatuf ee sifaha xaaraanta ah lagula Wareegay,loona soo celiyaa madax-banaanidiisii shaqo, sida ugu dhakhsaha badan leh

Ugu danbeyntii Xisbiga UCID waxaa uu uga digayaa Xukuumada talada haysaa ku xad gudubka dhamaan Xoriyatul-qawlka Iyo ku tumashada xuquuqda Saxaafada ee soo noq noqtey, Tusaale ahaan waxaa Ilaa maanta sifo lagu haysto aynaan Garaneyn Wargeyskii HUBAAL,Sidoo Kale waxay xukuumadu xidh xidhey  Wariyayaal Gaadhaya boqol in Ka badan Sadexdaa sano Ee ay talada dalka Haysey,Taas oo uu Xisbigu HAATAN uu arko waxaan loo dul qaadan karin.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.