Madaxweyne Cigaal 9 Sano oo uu dalka ka Talinayay Hal Guri Kama Dhisan ee Halloo Hibeeyo Masjid

Madaxweyne Cigaal 9 Sano oo uu dalka ka Talinayay Hal Guri Kama Dhisan ee Halloo Hibeeyo Masjid Si Uu Ajar Uga Helo Maxamed Xaaji Ibraahim Ciggaal AHN , Wakhti haatan laga joogo muddo dhowr sanadood ah, ayey ahayd markii ay dhalin yaro reer Hargeisa iyo reer berbera ahi ay isku dayeen inay sameeyaan Fikir dahabi ah kaasoo ka soo baaxday fikirkooda iyo garaadkooda qiyamka ah, in kastoo ay iiga cudurdaartay inaanan magacooda halkan ku xusin sababo jirra awgood.

somaliland-egal

Hadda, waxaan jeclaystay inaan fikirkaas idinla wadaago. Maxamed Xaaji Ibraahim Ciggaal oo ahaa madax-weynihii labaad ee jamhuuriyadda Somaliland Alla ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka South Africa taariikhdu markii ay aheyd 03dii Bishii May sannadkii 2002-kii, waxaana lagu aasay magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda ee Somaliland, inkastoo haddii aynu qalinka u qaadano taariikhdiisii aynaan halkan ku soo koobi karayn.

Waxaanse qoraalkaygan ku soo dib ugu soo noolaynayaa muuqaalkii dahabiga ahaa ee maarta isku badelay. kaasoo ahaa fikirkii ama aragtidii dhalin-yaradu ay ku hamiyeen waxay ahayd himilo fog oo if iyo aakhiraba u wanaagsanayd ka midho dhalinteedu, nasiib darase markii ay cidi dhag jalaq u siin weyday ka dibna ay waayeen fikirkaa suuban cid barbar istaaga ka qayb qaadashada masjid ciggaal magaciisa iyo ajrigiisa loo hibeeyo, waxay noqdeen kuwo ka muquurtay fikirkoodii dahabiga ahaa xitaa waxay soo gaadheen inay qariyaan magacyadoodii. waxba yaanan ku raad gadan dulucda Muuqaalka dahabiga ah ee dhalin yaradaasi ay isku abaabuleen,

taasi oo ahayd sidii loogu dhisi lahaa Masjid waqfiya madax-weyne Ciggaal AHN iyagoo u qorsheeyey in Masjid Ciggaal laga dhiso magaalada Berbera gaar ahaan meel ka yar fog Qabriga uu ku aasan yahay nuxurka ay xanbaarsan tahay oo ah in inuu Alle siiyo Ajriga Masaajidkaasi loo hibeeyey oo ah mid aanu ajrigaasi ka istaagayn waligii madax-weynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Ciggaal.

Waxaan qormadaydan ku soo gunaanadayaa maanta in ay u taalo hadday noqon lahayd ehelkiisii iyo hadday noqon lahayd maayarka Magaalad Berbera iyo dhamaan bulshadda reer Somaliland inay hormood ka noqdaan muuqaalkan dahabiga ah maadaama Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Ciggaal aanu gurri ka dhisan wadankan uu madax-weynaha ka ahaa mudadii 9-ka sannadood ahayd.

Gabagabadii fikirkan dahabiga ahi wuxuu dhex yaala bulshadda reer Somaliland mid yar iyo mid weyn, mid wax haysta iyo mid aan waxba haysan, sidii loo abaabuli lahaa iyo cidii gadhwadeen ka noqon lahayd dhex buu u yaalaa maanta.

Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti