Taariikhda Urur-diimeedkii Al-itixaad

W/Q: Cali Cabdi Coomay.. Sannadkii 1984-tii waxa soo shaac baxay khilaaf dhinaca fikirka ah , waxaana soo baxay xubno ka biyo-diiday nidaamka howlaha loo wado Urur-diimeedka Al-itixaad waxa la aasaasay sannadkii 1983. Waxaana lagu aasaasay magaaladda muqdisho, waxaana hogaamiye u ahaa Sh. Cali warsame , oo xilligaasi ku sugnaa magaaladda muqdisho.

coomay4

Urur-diimeedkan waxaa tiirar aasaasi ah u ahaa laba qodob:

1)      Dacwada diinta islaamka iyo barashadeeda

2)      Jihaadka

Urur-diimeedkan wuxuu aaminsanaa in bulshadda caalamka la baro diinta islaamka , lagana samatobixiyo duliga iyo diciifnimadda guud ahaan dadyowga muslimka ah, gaar ahaan bulshadda soomaaliyeed.Waxay doonayeen mustaqbalka soomaaliya laga dhiso dawlad islaamig ah, iyadoo la raacayo kitaabka iyo sunnaha.Waxa kale ay aaminsan yihiin in la maro dariiqa salafiya.Dhinaca afkaarta waxay aad ugu dhawaayeen ikhwaanu-muslimka masar.

Sanadkii 1984-tii  waxa soo shaac baxay khilaaf dhinaca fikirka ah , waxaana soo baxay xubno ka biyo-diiday nidaamka howlaha loo wado , xubnahan waxa u badnaa reer waqooyi (Soomaliland) xubnaha reer waqooyigu waxay ka cabanayeen in ururkii Al-ittixaad ay xubno reer- koonfureed ahi ku fara badanyihiin, halka reer waqooyi yahay tiro yar.Intaasoo Sh.cali warsame reer waqooyi ahaa, balse wuxuu ahaa keligii, ayey ku doodeen xubnahan waxa hogaamiye u ahaa C/qaadir xaaji oo xubin muhiim ah ka ahaa dhaqdhaqaaqii waxdadda. waxa kale oo ay isku  afkaar ahaayeen  Sh. Mustafe Ismaaciil , Axmed Aw Daahir , Ismaaciil Cabdi iyo Xassan C/salaam.

Dhamaantood waxay dib uga noqdeen magacoodii hore ee waxdadda. dacwadda ayaa si xawli ah u socota, goobaha dacwadu ka socotay waxa ka mid ahaa masaajidka ceel Hindi oo salaadda maqrib tafsiir laga dhigi jiray. waanu buux-dhaafi jiray masaajid ku yaala suuqa bakaaraha , lafaweyne , danwadaagaha iyo shibbis. ragga muxaadarooyinka  ka akhri jiray waxaa ka mid ahaa: Sh.Cbdilaahi Cabdi, Sh.Daahir Macalin, iyo Sh.maxamed Nuur  waxa ururku Al-ittixaad ka caawiyay fidinta dacwadda dhaliyarro ka soo qalin jabisay jaamacadaha dalka sucuudiga.

 waxaanay si wanaagsan sharaxaad uga bixiyeen in dimuqraadiyada , shuuciyadda iyo wixii gacanta lagu sameeyo aanay banaanayn in lagu dhaqo dad muslim ah. waxay dadka ka dhaadhiciyeen in dhammaan qaabka nolosha iyo arrimaha bulshadda lagu saleeyo quraanka iyo sunaha nabiga (scwl).Urur diimeedka Al-ittixaad wuxuu noqday kii ugu ballaadhanaa, uguna xooga weynaa islaamiyiinta Soomaaliya waxaana ku xoog batay xubnaha la dhacsan fikirka Salafiga.Ururka itixaad wuxuu xooga saaray inaan qof keliya warkiisa la qaatan iyo inaan sheekh keliya la iska daba joogsan, iyo waliba qofkii khaldama in khaladkiisa loo sheego, oo aan loo qarin. kaacankii maxamed siyaad barre ayaa aad u dareensanaa koritaan islaamiyiinta ee gudaha soomaaliya iyo waliba bulshadii oo ay isku dubarteen. Taasina ay keento in laga jeesta kacaankii. marka dambana ay keento in lagu kaco kacaankii lana raano islaamiyiinta Al-ittixaad. si kacaanka u horjoogsado kobaca ururka Al-ittixaad, wuxuu soo saaray qoraal sir ah oo nuxurkiisu ahaa:

1)      Diinta inaanu faafin Karin qof aan ruqsad ka haysan wasaaradda garsoorka iyo arimaha diinta.

2)      Inaan dalka la soo galin Karin kutub diini ah, fasax la`aan.

3)      In sirdoonku isha ku hayo qaabka ay wadaan hawlahooda .

Horaantii sideetamaadkii ayuu kacaankii wuxuu ku dhaqaaqay , ugaadhsi uu kula kacay Al-ittixaad , waxaana la xidhxidhay qaar badan oo ka tirsanaa ururka, halka qaar kalena ka baxsadeen dalka ,xubnaha la xidhay waxa ka mid ahaa sh, C/risaaq Xuseen  , sh. Xasan , Sh.Nuur Gurxan, C/casiis Faarax , C/laahi Cali, Maxamed Farax,Yusuf Macalin iyo Sh.Xaashi .

Xubnaha baxsaday waxa ka mid ahaa :Sh.Cali warsame, waxaanu joogay Burco , ka dib gurigiisi ayaa la tagay waa laga waayay oo Hargaysa ayuu ku dhuumanayey. Waxaanu tegay jabuuti, aakhirkiina wuxuu uga sii gudbay sacuudiga ilaa imaraadka. Horaantii sanadkii 1987-kii ayaa la horkeenay xubinihii xidhnaa maxkamadii badbaado, waxayna xukun dil ah ku xukuntay dhammaan xubnihii xidhnaa. Guddoomiyihii maxkamada badbaado oo wakhtigaa ahaa Gen. Max’ed Yusuf geelle , ayaa xukunka u cuskaday qodobka 54/12 oo dhigayay Qaran dumis iyo la xidhiidho hay`ado shisheeye, ka dib culeys kaga yimid Siyaad Barre gudaha iyo dibada wuxuu ogolaaday inuu ka noqdo xukunkii dilka ahaa.

Sanadkii 1989-kii ayaa si shuruud la `aan ah loo sii daayey dhammaan xubnihii xidhnaa. Muddadii xabsiga lagu guray xubnihii  ugu faraha badnaa ururka, waxa hogaanka sii waday ku-xigeenkii ururka oo  la odhan jiray Sh.cabdiraxmaan makkawi  oo xidhiidh fiican la lahaa xubnihii dibada ku sugnaa. Markii la soo daayay xubnihii jeelasha ku jiray, wax iyana dalka din ugu soo noqday xubnihii dibada uga baxsaday . kulan weyn ayay isu yimaadeen , waxaana laga shiray sidii ururka loo cusboonaysiin lahaa, waxaa mar kale dib loo doortay gudoomiyihii hore Sh.cali warsame,halka ku xigeenka loo doortay sh.xasan daahir aways. waxaana kulankaasi lagu go’aamiyay in la sii wado ujeedooyinkii ururkii Al-ittixaad ee ahaa dacwada iyo jihaadka.

Wakhtiyada qaar, waxa dhici jiray in wadaada kale ee dariiqooyinka ku tilmaami jireen dacwada Al-ittixaad Bidco hasa yeeshe waxay kasbadeen oo bulsho badan oo ay ugu badnaayeen dhalinyaradii ka soo baxday dugsiga sare iyo jaamacada ummada soomaaliyeed. waxa dhici jiray iska horimaad dhexmari  jiray Al-ittixaad iyo dariiqooyinka kale, wax dagaal ahi ma dhicin jirin balse hanjabaad, aflagaado iyo dagaal gacmo ah, ayaa dhex mari jiray.

Xubinimada  Al-itixaad

Ururka si fudud xubin loogama noqon jirin , balse waxa mari jiray marxalado kala ahaa:

a)      Haawaamish: waa halka koowaad ee laga bilaabo xubin noqoshada ururka waana goobta lagu kala shaandheeyo , intaan loo qaadan xubinimada .

b)      Usro Khaarijiga: waa halka labaad ee lagu kala saaro kuwa xubin buuxda ka noqonaya ururka . may ahayn oo kaliya inuu qofku xubin buuxda ka noqonayo labadaa arinmood, balse wuxuu mari jiray qaar kale oo badan, oo qof lagu hubinayo inuu wax badan ka fahmo ururka iyo siraha looga baahan yahay inuu qariyo. xubnaha Al-ittixaad waxaa gobol loo aqoonsanaa kolka tiradoodu gaadho 650 xubnood oo heshiis lala galo, lana xaqiijiyo xubunimadooda.

        Qaab dhismedka ururka

•        Gole shuuro oo ka kooban 36 xubnood, oo laga soo dhex xuley golaha fulinta.

•        Gudi fulinta oo ka kooban gudoomiyaha , ku-xigeenkiisa, xoghaynta guud, xafiiska maaliyadda , xafiiska jihaadka , xafiiska dibada , xafiiska sirdoonka iyo xafiiska goboladda.

          Dagaaladii ay Al-itixaad galeen

Shan dagaal ayey Al-ittixaad galeen, oo kala ahaa:

1.       Dagaalkii araare ee ay la galeen U.S.C oo Gen.Caydiid ahaa.

2.       Dagaalkii Gedo oo mar kale U.S.C. ahaa

3.       Dagaalkii itoobiya ee Gedo

4.       Dagaalkii S.S.D.F ee gobolada bari

5.       Dagaalkii S.S.D.F ee Saliida iyo laas-qoray.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, Somaliland.

Xigasho:

Kobicii Islaamiyiinta Soomaaliya…………….C/shakuur Mire Cobol.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.