Madaxweynaha oo Tacsi u diraya

TACSI MADAXWEYN: INNAALLI-LAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo ku geeriyooday 23/03.2014, Magaalada Burco.

tacsi1

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir muhiim ah oo ka baxay gobolka togdheer iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa odayaashii ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.