Jacaylka Madaxwaynaha Somaliland!

 Waxaad arkeysaa Madaxwaynihii oo Suuqyada Sanaag (sida laasqoray) iyo meelaha kaleba dhex lugaynaya oo askartii ilaalinaysay.

Madaxwaynaha-5

Socdaalka dheer ee madaxwaynuhu dalka ku wada maray (xuduuda Djibouti ilaa iyo xuduuda Somaliya) laba arrimood oo aad u muhiim ah ayaa ka soo baxay. kuwaas oo ah:

1. Nabadgelyada ka jirta Somaliland. Madaxwayne lug ku maraya dalka oo dhan (dhulka maraya) waxay muujinaysaa kalsoonida madaxwaynaha iyo lataliyaashiisu ku qabaan ammaanka dalka. Isla markaa waxay u quus goynaysaa cadowgeenna, oo loolanka siyaasadeed ee ka jira magaalamadaxda dalka iyo hadallada kulul ee mucaaridku ku hadlo moodayey in Somaliland khatar ammaan ku sugan tahay.

Waxaad arkeysaa Madaxwaynihii oo suuqaqa sanaag (sida laasqoray) iyo meelaha kaleba dhex lugaynaya oo askartii ilaalinaysay, ay carruurta buskud iyo hadiyado u qaybinayaan. Iyadoo wajiga askartaa ay ku muuqato deggenaansho, cabsi la’aan iyo isku kalsooni buuxda. Runtii arrintani waa mid muwaadin kasta oo Somaliland ihi ku farxayo, kuna faanayo.

2. Jacaylka shicibku jecel yahay madaxwaynaha. Shicibku waa kuwii Madaxwaynaha doorasho xor ah ku saaray kursiga, waxa maanta caddaatay in dadku weli kalsooni buuxda ku qabaan madaxwaynahooda ayna jecel yihiin. Waxaad arkaysaa dad waynaha oo ku soo xoomaya meesha madaxwaynuhu marayo oo hadday gacan qaad la gaadhi waayaan, isku dayaya bal mar uun ishoodu inay qabato muuqiisa.

Markuu Madxawaynuhu ku soo noqday magaaladiisii, dadka reer Hargaysa iyagoo kumaamkum ah oo calanka dalka iyo caleemo qoyan lulaya ayay tobonaan km taxnaayeen.

Ma malayn kartid riyaaqa, rayraynta iyo farxadda ka muuqatay dadkaa wajigooda, iyagoo ku faraxsan guusha socdaaleed iyo nabadda u ku soo guryahooyday madaxwaynuhu. waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen: ku soo dhowoow hoygaagii!!! ku soo dhowoow Hargaysa!!!

Allaa mahad leh

Ayanle Xuseen (Taageere UCID)

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.