M. Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah:

Qormada 5-aad Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale . Maxamed Saleebaan Tubeec sidii loo badnaa dhowr iyo lixdankii ayuu Xamar u wareegay. Halkii ayuu ka sii watay horumarintii fankiisa, barnaamajyada dalabaadka idaacadahana wax la dalbado Maxamed kaalinta hore ayuu kaga jiray.

Tubeec

Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

 Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

 Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

 Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

 Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

 Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,   

 Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

 Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

 Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

20/3/20014ka, Hargeysa,

Qormada 5aad

Maxamed Saleebaan Tubeec sidii loo badnaa dhowr iyo lixdankii ayuu Xamar u wareegay. Halkii ayuu ka sii watay horumarintii fankiisa, barnaamajyada dalabaadka idaacadahana wax la dalbado Maxamed kaalinta hore ayuu kaga jiray.

Heesihii halhayska

 

u noqday dadweynaha waxa ka mid ahaa Gufaaco oo sannado badan suuqa haysatay. Ereyada waxa iska lahaa Jaamac-daad. Waxa kale oo jirtay hees Waqtiyow la odha jiray oo uu ereyadeeda iska lahaa Yuusuf Maradoon. Waa sidaas sida uu Maxamed Salaebaan ku noqonayaa Boqorkii Codka Soomaaliyeed. Heesihii ka dambeeyay ee mahadhada reebay waxa ka mid Hooyo oo Hadraawi iska leeyahay.

Halabuur badan ayaa Maxamed Saleebaan Heesaha u dhiibi jiray, waxaana ka mid ahaa: Cabdillaahi Cabdi Shube, Maxamed Cumar (Huryo), Xuseen Aw Faarax Dubbad, Cabdilqaadir Cali Cigaal, Axmed Saleebaan Bidde, Yuusuf Maradoon, iyo halabuur kale oo door ahaa.

Maxamed Saleebaan Tubeec, muusig Soomaaliyeed oo aan jirin ayuu isaga oo 13 jir ah 1953kii durbaan iyo daf ku tumanayay. Waa raggii horseedka ka ahaa ee ballaysimay codka iyo muusigga Soomaaliyeed. Waa raggii ka soo qaaday codadka Hindiga ama Carabigaba ahaa. Tan iyo maalintaa ayuu ku soo dhex jiray fanka Soomaaliyeed. Inta badan waxa la yidhaahdaa meel waliba waxay iska leedahay xusuusteeda ha’adeed (Institutional Memory). Haddii ay fanka iyo muusigga Soomaaliyeed xusuustaa gaarka ah leeyihiin, waxay ku jirtay oo ku duugnayd, lana galbaday Maxamed Saleebaan Tubeec. Raggii la midka ahaa waxa maanta ka nool Maxamed Axmed Kuluc oo ay tahay inta ag joogta ee nasiiibka u heshay in ka qorto ama ka duubtaba wixii ay haleeli karayso.

Saddex wareysi oo BBC-du Maxamed Saleebaan Tubeec la yeelatay

Maxamed Saleebaan Tubeec, sheeko iguma aha. Isaga oo nool ayaan arkay la sheekaystay oo la wadaagay sheekooyinka fanka la xidhiidha. Aragtidayda ugu badnayd waxay ahayd magaalada Muqdisho intii ka horreysay burburkii Soomaaliya iyo Xaruntii Golihii Murtida iyo Medadaalada. Waqti kooban ayaan kula kulmay Jabuuti.

Waxaan xusuustaa oo aan xiskayga ka tirmin saddex wareysi oo aan dhegaystay oo ay BBC-du la yeelatay oo aan jeclahay in aynu qormooyinkan kooban ee xuska iyo xusuustaba ah aynu ku wadaagno.

Dhacdada 1aad

Waxaan dhegaysanayay Maxamed Saleebaan Tubeec oo BBC-du wareysanayso. Wuxu ka sheekaynayay iyada oo la waeysanayo maalin daad soo maray dooxa Togdheer ee Burco. Dadkii ayaa labada daamood tubnaa oo isu tallaabi kari waayay. Waxa la sugayay inta daadku yaraanayo. Maxamed, waxay wada socdeen nin ay saaxiibbo ahaayeen. Waxay wateen baabuur Land Rover ah oo ‘Pick up’ ah oo dusha bannaan.  Biyihii dooxa ayaa yaraaday. Markii ay damceen in ay tallaabaan ayay gabadh meesha taagnayd ka codsatay in ay sii qaadaan oo ay dooxa ka tallaabiyaan. Waxay ku socotay shacabka.

Gaadhigii ayay saareen. Iyaga oo gabadha aad u danaynayay, waxay fadhiisiyeen dhexdooda. Horaa loo yidhi: “Dhex-fur ma cabsado.” Waa ay tallaabiyeen. Markii ay gaadhigii ka degtay ayay haasaawe ku bilaabeen. Su’aashoodii ugu horreysay ayaa ahayd: “Nala ballan, walaal.” Iyada oo nimankaa geyaankeeda ah qiimaynaysay, ayay si kaftan-dhable ah ugu tidhi: “Waa inoo daadkaa socda immika, daadkiisa dambe.”

Eesh calaa kaftan. Kaftan xariir ah oo aan laaxin laga jarayn ayuu ahaa. Waxaan soo xusuustay ereyadii Canbaro markii ay Hurre Walanwal isu heesayeen. Sidii ayay gabadhii kaga tegeen iyaga oo yaabban oo aan garanayn daadkaa daadkiisu goorta uu dooxa soo marayo ee ay gabadhaa arkayaan si ay ballantoodii u fuliyaan.

Maxamed Saleebaan Tubeec, maalintaa wareysigii laga qaadayay wuxu ku sheegay in ay dhacdadaa ka dhalatay heestiisa caan-baxday ee la yidhaahdo ama hal-ku-dheggeduba yahay: “Haasaawaheedaa Malyuun Hibo la siistaa.” Waxaasaa xusuus ah! Jaamac Saleebaan Tubeec wuxu ii sheegay in ereyada iyo laxankaba uu Maxamed iska lahaa.

Dhacdada 2aad

Waa geeridii iyo aaskii Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi, Cabdillaahi Qarshe ee 1997kii. Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu ka mid ahaa dadkii laga wareystay fankii iyo muusigyahannimadii Cabdillaahi Qarshe.

Maalintaana waan dhegaysanayay oo Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu sheegay in uu Cabdillaahi Qarshe lahaa dhammaan codadka ama alxaanta heellooyinka Qaraamiga ah toddoba mooyaan e’. Maxamed ma uu malaynayn lamana ay ahayn ee waxay ahayd weedh sugan oo uu hubo maa daama uu ahaa calan-sidayaashii ugu mudnaa ee alxaantii qaraamiga. Maxamed Marka uu ka sheekaynayo alxaanta qaraamiga bowsi kuma ay ahayn ee wuu ku soo dhex noolaa oo ku soo dhex barbaaray. Galabtaa waan duubtay barnaamajkaas oo ay dad badan oo kale ku wehelinayeen.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo…………………….)