Wasiirka Madaxtooyada oo ka qayb galay Munaasibad lagu Caleemo Saaray Suldaan Cusub

WASIIRKA MADAXTOOYADA OO KA QAYBGALAY CALEEMO-SAARKA SULDAAN CUSUB
 Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad  Jid ayaanu wada marnay, Jabad ayaanu wada degnay jidiina waanu wada cunay, waxaan  ku aqaana Dulqaad, Deeq, Guurtimo iyo Caddaalad. Md. Maxamuud Xaashi  
 
Beer(AFN):- Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wafti ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey ayaa maanta Degmada Beer ee gobolka Todheer ka qayb galay munaasibad balaadhan oo laga caleemo saaray Suldaanka Guud ee beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq (Sanbuur).
WASIIRKA MADAXTOOYADA OO KA QAYBGALAY CALEEMO-SAARKA SULDAAN CUSUB
WASIIRKA MADAXTOOYADA OO KA QAYBGALAY CALEEMO-SAARKA SULDAAN CUSUB
Munaasibada Suldaanka oo ahayd mid si wayn loo agaasimay isla markaana ay ka qayb galeen marti sharaf heer sare ah oo ka kala socday Xukuumadda Somaliland, Salaadiin reer Somaliland ah iyo kuwo ka socday dalka Soomaaliya ayaa maanta ka qaybsoontay Degmada Beer ee Gobolka Todheer.
Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadaasi ka jeediyey khubad ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa“ Ugu horayn waxaan hamalyo u dirayaa beelaha Ibraahin Sheekh Isaxaaq ( Sanbuur), waxan ku hambalyeynayaa cugashada iyo doorashada ay doorteen inuu Suldaan guud u noqdo Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad waanu ku hambalyeynaynaa, waxaanu leenahay waxaanu ka markhaati kacaynaa bulshada halkaas isugu timid ee madax dhaqameed gobolada Somaliland ka timid leh iyo kuwa Soomaaliya ka yimid, waxay dhamaantood ka markhaati kaceen inaad doorateen qof ku haboon mansabka iyo xilkaas aad u dhiibateen, qofka masuulka laga dhigo laba jeer ayaa la qiimeeyaa mar sadexaad lama qiimeeyo, marka la caleemo saarayo waxa la qiimeeyaa dadka ka soo qayb galay iyo nooca ay yihiin waxa ay ka turjuntaa qofkaas iyo qiimahiisa,  waa munaasibada aynu maanta joogno oo kale, waxa aynu nahay khaliifadii ILAHAY ee dhulka, dadka wanaagsani markhaati beena ma furaan, waxay ka markhaati kacaysaa gogashan inaga oo qiimaynayna beelaha Ibraahim Sheekh Isaxaaq ayeynu martiqaadkan nimid Xukuumad, xisbiyo shacab iyo madax dhaqameed. Waxa kale oo aynu nimid madashan inaga oo qiimaynayna qofka la caleemo saaray, markaas waa la qiimeeyaa, marka uu dhintana waa la qiimeeyaa Jinaasadiisa dadka ka soo qayb gala iyo waxa laga yidhaa.”
Wasiir  Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay shaqsiyada loo caleemo saaray Suldaanka Guud ee beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq waxaanu yidhi “ Waxa aynu leenahay maanta madashani waxa ay ka markhaati kacaysaa in beelaha Ibraahin Sheekh Isaxaaq ay doorteen masuul qiimo leh, bulshada dhexdeedna lagu yaqaano wanaag, ILAHAY ha u barakeeyo inaga ha inoo wada barakeeyo. Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad dadka yaqaan ayaan ku jiraa dhawr iyo sodon sanadood in ka badan ayaan aqoon fiican u lahaa, Jid ayaanu wada marnay, Jabad ayaanu wada degnay jidiina waanu wada cunay waa sadexda qof lagu maro, duruuf badan ayaanu soo wada marnay waxaan ku aqaanaa dul, waanu soo wada shaqaynay hawlo badan oo nabadayneed iyo khayr ayaanu ka soo wada shaqaynay Cadaaladna waan ku aqaanaa, waxaan ka markhaati kacayaa inay doorteen qof masuul ah oo wanaagsan, waxaan ILAHAY ugu barynayaa inuu khaatumadiisa u wanaajiyo xilkaasna uu ku asturo, inaga ILAHAY inuu dariiqa wanaagsan iyo khaatumada uu ina waafajiyo.”
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.